WararkaWaxbarashada

Saacad Aad u Weyn oo Shaqeynaysa 1000-sano!

 

Bilyaneerka Mareykanka ah ee la yiraahdo Jeff Bezos ahna hadda ninka ugu taajirsan adduunka ayaa Twitter-kiisa kusoo qoray dhismaha saacad aad u weyn oo loogu talogalay iney shaqeyso 1000 sano!, si magaciisu uu u waaro.

Saacaddan ayaa dhirirkeedu gaarayaa 150 mitir, waxaana ay ku shaqeynaysaa hab aan si sahlan lagu fahmi karin oo complex ah, waxayna la jaanqaadi kartaa heer-kul kala duwan ee habeenkii iyo maalintii.

Sida website-ka Fox News lagu xusay dhismaha saacaddan waxa uu Bezos ku qaadaneysa kharashaad gaaraya $42 milyan oo dollar ah, waxaana laga qotominayaa mid ka mid ah buuraha galbeed ee gobolka Taxis ee gudaha Mareykanka.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close