arrimaha bulshadaWararka

Trump oo Qirtay in Timihiisa Quruxda Badan Bidaari Ku Hoos Qarsoon Tahay

 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qirtay in tintiisa jilicsan ee quruxda badan ay bidaari ku hoos qarsoon tahay.

Trump oo ka qeybgalay kulan looga hadlayay arrimaha siyaasadda xisbiga uu ka tirsan yahay ee jamhuuriga, gaar ahaan garabka muxaafidiinta ay soo qabanqaabiyeen, isla markaana ay ka qeybgalayaan illaa 10 oo qof oo siyaasadda ku firfircoon oo Jimcihii shalay ka dhacay duleedka Washington, ayaa kasoo qeybgalayaashii ka hor qirtay bidaartiisa oo in muddo ah uu qarinayay .

Wejigiisa ayuu aadiyay dhanka shaashad waxaanuu yiri “Miyaaney sawir qurxoon ahayn.”, isagoo dadka ku jeedinayay timihiisa. Dadkii oo aad u qoslaya ayaa waxa uu bilaaay inuu gacmihiisa ku tilmaamo habka uu u shalleysto timihiisa, waxaanuu gacantiisa u leexiyay dhanka dambe ee madaxiisa, garabka ayuu luxay kadibna waxa uu yiri; “Waxaan aad iskugu dayaa inaan qariyo qeybta bidaarta ah. Dadyahow, Dadaal dheeraad ah ayaan ku bixiyaa.”

Waxa uu intaa sii raaciyay “Oo arrintaasi miyay xun tahay? Horey ayaan u soconeynaa duruufta jirtaa haba adkaatee, oo miyaaney sidaa ahayn?”.

Bilowgii bishan hadda sii dhammaaneysa ee Feburay ayaa Trump waxaa bidaartiisa ka shiftay dabayl xooggan xilli uu ku safrayay diyaarad nooceedu yahay “Air Force One”. Halka buugga “Dab iyo Caro” ee ka hadlayay sirta Aqalka Cad lagu sheegay in gabadha uu madaxweynuhu dhalay ee Ivanka Trump ay dadka u sheegto in sirta timaha aabaheed ka dambaysaa ay tahay qalliin lagu sameeyay oo lagu qarinayo bidaar u qarsoon aabaheed.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close