WararkaWaxbarashada

4 Xirfadood oo Muhiim u ah “Lacag Dhigashada” Si Aad U Gaarto Isku Fillaansho Maaliyadeed

 

Lacag dhigashadu waa arrin dadka badan ku adag, gaar ahaan kuwa aan la qabsan yaraantoodii iney wax meel dhigtaan ama kuwa la qabsaday iney lacagtooda si aan loo aabo-yeelin u bixiyaan.

Waxaa jira dad ay ka dhab tahay iney lacag meel dhigtaan laakiin raadinaya xeeladiihi arrintaa ku garab siin lahaa ee lagama maarmaanka u ahaa wax dhigashada.

Xirfadaha lacag dhigashada lagama maarmaanka u ah

Waxaan kuu soo gudbin doonaa 4 xirfadood oo kaa garab siinaya inaad lacagta u kaydsato si dhab ah, haddii aad hirgelisa aad kala kulmi doonto natiijooyin wax ku ool ah, danta aad leedahayna aad ku gaari karto, nolol maaliyadeed oo wanaagsanna aad ku tiigsan karto, halka markay lacag fiican kuu kaydsanto aad dareemi doonto xasillooni iyo ammaan dhanka nafta ah.

  1. Waa inaad ku wanaagsan tahay xirfadaha kasbashada lacagta

Xirfadda koowaad ee lacag kaydsigu waa inaad taqaanno habka lacagta lagu helo. Dadka oo dhani waxay ku riyoodaan shaqo wanaagsan oo mushaar macquul ah leh, halka kuwo kalena ay door bidaan ganacsi, halka dadka qaarna ay bilaabaan mashaariicdooda gaarka ah. Sidaa darteed markasta oo aad doonayso in dakhligaagu uu aad u sarreeyay waxaa muhiim ah inaad bixiso dadaal labo-laab ah si lacago farabadani kuugu dhigmaan.

  1. Qorsheynta wax bixinta

Waa inaad sameysato ahdaaf dhanka nolosha ah oo aad xaqiijintooda u dadaaleyso inaad tiigsato, haddii aad xakameyn waydo masaariifta maalin laha ah ee kaa baxaysa waxaad ogaataa iney kugu adkaaneyso inaad lacag meel dhigato.

  1. Yaree wax bixinta

Si aad lacag meel u dhigato waxaa lagama maarmaan ah inaad kharashkaaga yareyso oo haddii aad si maalinle ah wax u iibsaneysay si isbuucle ah ama bille ah aad ka dhigato, yaree isticmaalka korontada, biyaha, lana dagaallan doonista naftaada ee waxyaabaha aan daruuriga ahayn.

  1. Maalgeshi Samee

Inaad lacag meel dhigato iyo inaad maalgelin sameyso xiriir adag ayaa ka dhaxeeya, lacag kaydsigu waxa uu leeyahay saddex tiir oo lagama maarmaan ah:

  • Waa inaad leedahay sanduuqa xaaladaha degdegga ah oo aad ugu talogaleyso (safarka, jirada…)
  • Kaydinta danta gaarka ah: waana lacagaha aad meel u dhigto(Guur, iibsi gaari, waxbarasho,..).
  • Kaydinta maalgashiga ah: waana kaydinta mudada dheer ah ee loogu talogalay in lagu gaaro hadafka wakhtiga fog, tusaale ahaan; (iibsi guri, waxbarashada caruurta, howlgabka, ..).

Yaan dooneyn in lacagihiisu u kobcaan, lacagaha loo kaydsado in maalgashi lagu sameeyo waa halka laga bilaabo iyo albaabka laga galo “ganacsiga”, maalgashigu uma baahna inaad xirfad sare leedahay, waxaa lagaa rabaa waa inaad barato wadada ugu habboon gacansigaaga ee aad lacag ku soo saari karto.

Waxbarashada, khibradda iyo sabirku waa labo qaaciddo oo maalgashiga lagama maarmaan u ah: ukumaha oo dhan salad qura haku wada ridin, hana ku tijaabin moolka webiga labadaada lugood.

"Qofka Hantiilaha ah waa kan bixiya in ka yar lacagta soo gasha.. 
inta u soo hartana maalgeshi ku sameeya."

Si kastaba, waxaa hubaal ah inaad la kulmi doonto dhibaatooyin bilowga hore marka aad tallaabo u qaaddo inaad wax kaydsato, waxaa dhici karta inaad mararka qaar xanaaqdo, go’aan yeelo duruufta kugu hareeraysan waxay doontaba ha noqotee, dadaal samee, waxaanad ogaataa markasta oo aad tallaabo horey u qaaddo waxaad u dhawaaneysaa xorriyadaada iyo inaad gaarto isku fillaansho maaliyayeed.

Maandeeq FM

Related Articles

Close