WacyigelinWararkaWaxbarashada

5 Arrimood oo Aan Ku Kahanno Iskuulaadka.. Faa’iidooyinkooduna Ay Aad u Ballaaran Tahay

 

Dadku waxay u qeybsan yihiin Labo-qeybood markii arrintu ay khusayso xasuustoodii iskuulka: Qeyb waxay uga hadlaan hab wanaagsan oo dareen jacayl ku laran yahay ah.. waxay xasuustaan iney ahayd maalmihii ugu faraxadda badneyn noloshooda.. Qeyb Labaad waxay carrabka ku adkeeya oo yiraahdaa “Allaa mahadleh” mar haddii aan heerkaa kasoo gudubnay.. ayna maalmahaasi u ahayeen maalo walwal iyo dhibaato badan oo xorriyad la’aan ay dareemayeen.

Labadaa qeybdood waxay isku raacsan yihiin arrimo dhowr ah oo ay ka sinnaayeen xilligii iskuulka, isla markaana ay rajeynayaan inaaney ku arki lahayn nidaamka iskuulka in laga bedelo, si noloshooda waxbarasho u noqoto mid ka qurux badan kana wanaagsan sida ay ku xasuustaan.

Waxaase jira arrimo badan oo markii hore aan necbaysan jirnay laakiin markii dambe naga dhigay dad adadag, dhibaato kastaana ay u fududaato.

1- Kallahaadda Subixii

In xilli hore lasoo kaco cid jeceli ma jirto, laakiin faa’iidooyinka laga helaa mid lasoo koobi karo maaha,  sharraxaad dheer in laga bixyana uma baahna.

2- Nidaamka

Kulligeen waan necbeyn safka subixii la istaago, nidaamka ka jira qof aan lagu ciqaabin arrintaasina ma jiro oo kasoo daahay. Laakiin faa’iidada ugu yar ee laga helaa waa xirfadaha dhageysiga iyo hadalka oo laga helo…waxaana laga dhaxlaa faa’iidooyin aan lasoo koobi karin.

3- Talow waydiinta dadka kaa da’da weyn

Inteenna badan markaan iskuulka ku cusbeyn arday iskuulka inooga soo horreeyay ama inaga weynayd ayaan weydiinnay xaaladda iyo nidaamka iskuulka, marka uu qofku waynaado waxa uu la qabsanayaa inuu wixii ku cuslaada uu weydiiyo dadka khibradda u leh, maxaa yeelay; ‘Qofka dadka la tashadaa marna ma qoomameeyo’.

4- Joogtayn

Dadka qaar waxay ka caajisaan jadwalka joogtada ah ee iskuulka, laakiin taa bedelkeeda waxa uu kaa garabsiinayaa inaad hadhow la qabsato jadwalka shaqada oo isna joogteyn kaaga baahan.

5- Cilmibaaris iyo Inaad naftaada waxbarto

Inta badan ardaydu ma jecla iney wax is baraan “Self-Study” sameeyaan, intooda badani waxay jecelyihiin iney macluumaad diyaarsan ka qaataan afka macallinta intaana ay ku meel maraan, laakiin ardayda wax isbarta ee iskuulaadka gaarka ah ee waxbarashooda ay ku kobciyaan galaa way gurtaan miraha dadaalkooda, waxay arkaan markay weynaadaan waxay asaagood dheeryihiin iyo qiimaha ay leeyihiin.

Dhanka shaqada, qofina kulama wadaagayo natiijada shaqadiisa iyo khibradihiisa gaarka ah, in yar oo Alle u naxariistay mooyaana ama kuwo dan kale oo dhaqaale kaa leh.. baro inaad naftaada waxbarto, qofkii arrintaa kugu dhiirigeliya u mahadceli, waa xirfadaha ugu muhiimsan ee aad kasban karto; si aad horey ugu socoto, qiimahaaagana aad bulshada u tusto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close