WararkaWaxbarashada

Faransiiska oo Ardayda Ku Khasbaya Iney Ka Gudbaan Imtixaanka “ELTS” ee Luqadda Ingiriiska Si ay Dunida Kale Ugu Duulaan

 

Xukuumadda Faransiiska ayaa ku dhawaaqday iney qaadayso tallaabooyin si loo hagaajiyo heerka Luqadda Ingiriiska ay ka taagan yihiin dadka Faransiiska, si ay dibadda uga shaqo doontaan.

Sida ay Reuters sheegtay Faransiiska ayaa kaalinta labaad ka galay dalalka ugu liita Yurub ee dadkoodu ku hadlaan luqadda Ingiriiska, halka Talyaanigu uu ka noqday kaalinta koowaad, dalalka dadkoodu ay ugu liitaan luqadda Ingiriiska ee Qaaradda Yurub.

Ra’isul-wasaaraha Fransiiska Édouard Philippe ayaa Jimcihii February 23, sheegay in Luqadda Ingiriisku noqotay luqadda ay adduunku isku fahmaan, sidaa darteedna ay lagama maarnaan tahay iney shacabku ku baraarugaan arrintaas.

Waxa uu yiri: “Waxaa waajib kugu ah inaad ku hadasho luqadda Ingiriiska haddii aad dooneyso inaad ku dhaqanto dunidan casruga ah ee Globalization-ka noqotay.”

Waxa uu intaa sii raaciyay inuu ku qanacsan yahay in tallaabooyinka ay wadaan ay noqon doonaan kuwo isbedello waaweyn dhaliya “Waxaan dadka Fransiiska ah ku garab siineynaa iney dibadda u baxaan oo dunida kale ay ku guuleystaan.”

Xukuumadda Fransiiska ayaa waajib uga dhigaysa iney ka gudbaan imtixaanka caalamiga ah ee luqadda Ingiriiska ee “ELTs” ardayda dugsiga sare iyo kuwa jaamacadaha, kharashka imtixaanka oo lagu qiyaaso 230 euro dowladda ayaa dusha u ridaynaysa.

Maandeeq FM

Related Articles

Close