arrimaha bulshadaWararka

Hadiyad Aroos oo Salfatay Nolosha Arooska iyo Ayaydii.. Aroosaddiina Ay Sabateeda Isbitaal La Jiifto

 

Farxadda qoys Hindi ah oo dhawaan aqal galay ayaa marqura isku bedeshay tacsi kadib markii ay ku qaraxday hadiyad aroos oo guurkooda loogu talogalay.

Baakadii hadiyadda arooska markii ay fureen waxay ku noqotay Bum ku qarxay waxaa ku dhaawacmay arooskii , aroosadda iyo arooska ayaydii oo isla joogay, isla markiiba waxaa loola cararay isbitaal Rourkela hospital, waxaa dhaawicii u geeriyooday arooskii iyo ayaydii oo caan ahayd lana oran jiray Soumya Ranjan Sahoo ahaydna software engineer, halka aroosadiina dhaawaceeda weli lala tacaalayo, waana sida ay warbaahinta ay u sheegeen booliska gobolka Odisha ee bariga India.

Sida lagu daabacay wargeyska The Times of India, hadiyadda ayaa qoyska lasoo gaarsiiyay 18 February, waxayse fureen Jimcihii February 23. Boolisku waxay tilmaameen in qaraxu uu ahaa mid aad u weyn oo Jikadii(madbakhii) lagu furay uu gabi ahaanba baaba’ay si aan horey loo arkin.

Dhacdadan ayaa dhacday Jimcihii lasoo dhaafay kana dhagcday deegaanka Bolangir ee hoos taga gobolka Odisha. Mas’uul ka tirsan booliska ayaa sheegay inaan illaa iyo hadda la aqoonsan haybta dadkii hadiyadda soo dhiibay, arrintana laga furay baaritaanno kala duwa si dambiilaha gacanta loogu soo dhigo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close