arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Lacag Taariikhi ah oo La Adeegsan Jiray Xilligii Amiirkii Mu’miniinta “Sayid Cali” oo Laga Helay Gudaha Morocco

 

Website-ka “alyoum24” ee laga leeyahay dalka Morocco ayaa soo bandhigay sawirka lacag taariikhdu tahay xilligii Amiir al-Mu’miniin Cali Ibnu Abii-Daalib RC,  lacagtaa waxa ay gacantiisa ku jirtaa qof dagan “Meknes” gudaha Morocco, sida uu lacagtaa ku helay cidina illaa iyo hadda ma garaneyso.

Website-ka ayaa sheegay in lacagtan oo seeftii Sayid Cali RC ay dusheeda ku xardhan tahay uu qofka haystaa doonayo inuu iibiyo, maadama qiimaha ay leedahay uu aad u baaxad weyn yahay marka la eego qiimaheeda taariikhiga ah.

Lacagtan ayaa la tilmaamayaa in taariikhdeedu u tahay 48 hijriga, waxayna ka tirsan tahay nooca “Zahriyiin-ta” loo yaqaannay, taas oo ay macquul tahay in laga helo gudaha Morocco.

Maandeeq FM

Related Articles

Close