WararkaWaxbarashada

Ardayda Iskuulkii Florida oo Dib Ugu Laabtay Halkii uu Xasuuqu Ka Dhacay

 

Ardayda iyo macallimiinta iskuulkii uu xasuuqu ka dhacay ee Florida ayaa dib ugu soo laabtay waxbarashadooda iyagoo gacmaha is haysta, waxay xukuumadda waddankooda si wada jir ah uga codsadeen in la degdejiyo tallaabooyinka wax looga qabanayo weerarada ka dhaca goobaha waxbarashada.

David Hogg oo ka mid ah arday ka badbaadday weerarkii February 14, ee ka dhacay magaalada Parkland florida, ayaa shabakadda ABC u sheegay isbuucan: “Bal mala-awaal inaad ku sugan tahay diyaarad shil kula gashay, kadibna aad ku khasban tahay inaad maalin kasta raacdo, arrintu sidii hore ma noqoneyso.”

Iskuulka ayaa shalay si kumeel gaar ah loosii furay, ardaydu waxay dhiirigelin ka heleen dadkii horey iskuulka uga qalinjabiyay , halka la filayo in maanta duruustu ay si rasmi ah u bilaabato, maadaama ay noloshu horey u soconeyso oo aaney marnaba istaageyn.

Macallimad iskuulka ka tirsan iskuulka ayaa Chenal-ka NPR u sheegtay in raadkii dhacdada qolkii uu xasuuqu ka dhacay ay sideedii tahay oo aan la taaban, halka buugaagii ay weli sidii miisaska u kor saran yihiin, waxaan ii soo sawiran, ayay tiri, dhacdadii Feburay 14, waxaan ku xanuunsaday, isla markiiba waan ka dhaqaajiyay goobta.

Nicholas Cruz ayaa iskuulkan ku dilay 17 qof Arbacadii February 14, waxaanuu ahaa arday horey iskuulka u dhigan jiray, iyadoo aan la garaneyn sababta ku kalliftay inuu dilkaa arxan darrada ah geysto.

Maandeeq FM   

Related Articles

Close