WararkaWaxbarashada
Jackson iyo Macallimiinta Qaar oo Ka Falceliyay Soo Jeedinta ah In La Hubeeyo 20% Macallimiinta Mareykanka

Jilaaga caanka ah ee reer Mareykan “Samuel L. Jackson” ayaa weeraray Donald Trump, isagoo ka falcelinaya soo jeedinta Madaxweynaha ee ahayd in la hubeeyo macallimiinta si loo yareeyo khasaaraha weerarrada hubaysan ee gudaha Iskuulaadka.
Samuel oo 69 jir ah ayaa Trump ku weeraray bartiisa Twitter-ka waxaanuu ku tilmaamay inuu yahay qof “Lacnadi ku dhacday“, warkan ayaan qabsaday barta twitter-ka oo aad looga hadalhayaa.
Can someone that’s been in a Gunfight tell that Muthafukka that’s Never been in a Gunfight, the flaws of his Arm The Teachers plan??!!
— Samuel L. Jackson (@SamuelLJackson) February 23, 2018
Waxa uu hoosta ka xariiqay in “Soo jeedinta ah in macallimiinta la hubeeyo, ay hoosta ka xariiqda sida uu madaxweynuhu jaahil uga yahay iska horimaadka hubaysan.”
Laila Garcia oo ah guddoomiyaha Jamciyadda Waxbarashada Waddaniga ah ayaa dhankeeda tiri in macallimiinta la hubeeyo wax xal ah uma ah uma noqoneyso weerarrada hubaysan ee iskuulaadka ka dhaca.
Madaxweyne Trump ayaa Arbacadii lasoo dhaafay ee Feburay 21, soo jeediyay in 20% macallimiinta Mareykanka la hubeeyo, gaar ahaan kuwa tababarrada dhibowga ah soo maray, arrintan ayaa keentay in macallimiin badani ay soo jeedintaa si aad ah uga horyimaaddaan ayna ku tilmaamaan mid aan waxba ka tareyn xalka mushkiladda.
I will always remember the time I spent today with courageous students, teachers and families. So much love in the midst of so much pain. We must not let them down. We must keep our children safe!!
Full Listening Session: https://t.co/x5VenyQX5p pic.twitter.com/CAPfX5odIp
— Donald J. Trump (@realDonaldTrump) February 22, 2018
Maandeeq FM