WararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro ah oo Ka Faa’iidaystay Hal-abuurka Hooyadii Sanadkiina Ay Soo Gasho £12 Milyan

 

Wiil dhalinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Georgia ayaa ka faa’idaystay hal-abuurka hooyadii oo cabitaanno heersare ah guriga ku sameysa, waxa uu u bedelay mashruuc gacansi ah oo sanadkii laga helo faa’ido gaaraya illaa £12 milyan oo gini.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee gudaha dalka Ingiriiska kasoo baxda, Guka Tavberidze oo 30 jir ah asal ahaan kasoo jeedda dalka Georgia, ayaa waxa uu aas-aasay shirkadda Savse ee cabitaannada dabiiciga ah.

Cabitaannada ay dadku caruurtooda siistaan ayay ugu sare martay shirkaddani gudah Ingiriiska, waxaana ay soo xareysay faa’iidooyin ka badan £12 milyan oo giniga Ingiriiska ah sanadkii.

Tavberidze ayaa sheegtay in markii hore £250 gini uu hooyadii ka ammaahday si uu u diiwaangeliyo caalamaddiisa gacansiga, halka uu adeerkiina ka helay £100 kun oo gini si shirkaddu ay suuqa u gasho.

Maandeeq FM

Related Articles

Close