WararkaWaxbarashada

1000-euro oo Wasiir Loo Casilay dalka Greece !.. Way Ka Cudur Daaratay Waxayna Sheegtay Inaaney Ku Talogalin Dhibaateynta Shacabka

 

Wasiiru-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha Greece ayaa is casishay Isniintii shalay February 26, 2018, kadib markii ay caddaatay iney hesho €1000 oo kaalmo dowladeed ah bishii, iyadoo xaaladeeda dhaqaale ay wanaagsan tahay.

Ra’isul-wasaaraha Greece Alexis Tsipras ayaa aqbalay is casilaadda wasiiru-dowlaha shaqada iyo shaqaalaha Rania Antonopoulou maallinimadii shalay, kadib markii ay soo baxeen warbixinno fadeexad ku ah wasiirka oo tilmaamay iney heshay kaalmo-dowladeed oo qiimaheedu yahay €32 kun oo euro oo u dhiganta $28,300 muddo Labadii sanno ee lasoo dhaafay, lana tilmaamay iney si khaldan u adeegsatay qaanuunka kaalmooyinka wasiirrada iyo xildhibaanna ee dhanka kirada guryaha.

Haweenaydan ayaa waxaa qaba wasiirka dhaqaalaha iyo horumarinta Dimitri Papadimitriou, weli si rasmi ah ugamuu hadlin dhacdada ay xaaskiisa lagu haysto.

Rania ayaa 2015 markii ay wasiirka noqoneysa la sheegay iney haysato lacag qiimaheedu yahay $340 kun oo dollar, dakhliga sannadkii soo galaana uu yahay €70 Kun oo Euro. Halka Dmitri oo ah ninka ay u dhaxday ay hantidiisu gaareyso $2.7 milyan, dakhliga sannadkii soo galaana uu yahay $450 oo dollar.

Axsaabta mucaaradka ah ee dalka Greece -ga ayaa codsaday in wasiirka xilka laga qaado, maadaama aaney u turin dadka danyarta ah ee muddo 8 sanno ah ay ku habsatay dhibaatada dhaqaale ee aadka u daran.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close