WararkaWaxbarashada

Midkood Hantida Taallaa Waxay Gaareysaa $ 3 Trillion.. Waa Kuwan Magaalooyinka Ugu Taajirsan Adduunka

 

Magaalooyinkee ugu awood badan dhaqaale ahaan adduunka, hantida taalla imisa ayaa lagu qiyaasaa marka loo barbardhigo hantida dunida kale?

Su’aashaa horey waxaa ka jawaabay warbixin uu soo daabacay markaska “Stratfor” ee daraasaadka amniga iyo istiraatiijiyada, kaas oo macluumaadkiisu ku tiirsan yahay warbixinadii ugu dambeysay ee ka soo baxda shirkadda New World Wealth ee ku takhasustay cilmibaarista suuqa.

Xogta lasoo bandhigay, waxay tilmaamaysaa xajmiga dhaqaalaha guud ee hantida gaarka ah ee uu haysto qof kasta oo ku nool magaalo magaalooyinkan aan sheegi doonno.

Tirada lasoo bandhigayo waxaa soo hoos galaya(Hantida ma-guurtada ah, lacagta kaashka ah, saamiga, danaha dhaqaale) iyadoo laga jarayo waxwalba oo lagu yeelan karo, lacagaha xukuumaduhuna kuma jiraan oo waa laga reebay.

  1. New York: $3.0 trillion(3,000B)
  2. London: $2.7 trillion(2,700B)
  3. Tokyo: $2.5 trillion(2,500)
  4. San Francisco Bay Area: $ 2.3 trillion($2,300B)
  5. Beijing: $2.2 trillion($2,200B)
  6. Shanghai: $2.0 trillion($2,000B)
  7. Los Angeles: $1.4 trillion($1,400B)
  8. Hong Kong: $1.3 trillion($1,300B)
  9. Sydney: $1.0 trillion($1,000B)
  10. Singapore: $1.0 trillion($1,000B)
  11. Chicago: $988 billion
  12. Mumbai: $950 billion
  13. Toronto: $944 billion
  14. Frankfurt: $912 billion
  15. Paris: $ 860 billion

Sida uu sheegay “New World Wealth”, waxaa jira magaalooyin 8 ah oo siyaabo kala duwan liiska laga reebay,  laakiin mudnaa in lagu soo daro, Houston, Geneva, Osaka, Seoul, Shenzhen, Melbourne, Zurich iyo  Dallas.

Maandeeq FM

Related Articles

Close