CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Midowga Caalamiga ah ee Ka-hortagga Kansarka: 10 Milyan oo Qof Ayuu Ku Dhacaa Sanad Walba

 

Khubarada ku takhasustay cudurrada Cancer-ka ee Midowga Adduunka ee la dagaalanka Cancer-ka ayaa xaqiijiyay in cudurku uu sanadkii soo rito 10 milyan oo qof adduunka oo dhan.

Khubaradan ayaa ka digay khatarta cudurkan oo lagu naaneyso cudurka “Casriga”, sanadkii waxaa sababtiisa god u gala malaayiin qof. Sidaas oo kale khubaradu waxay tilmaameen waddooyinka looga hortagi karo, sida lagu ogaado iyo habka loo daweeyo intaba.

André Kaprin oo ah agaasimaha mac’hadka Cancerka Moscow oo la hadlay wakaaladda Ruushka ee TASS ayaa sheegay in Ruushka markii ugu horreysay laga diiwaangeliyay dad uu cudurku hayo oo gaaray illaa 600-kun oo qof.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in xaaladaha la daweeyo ee Cancer-ka ah si maalinle ah ay gaartay illaa 27 kun oo qof, “Cidina muxuu cudurku kuugu dhacay kuma laha, laakiin waxaan ku dhiirigelinaynaa dadka in wakhti hore la iska baaro, si daawadiisa xilli hore loo bilaabo inta aanuu ku dishoon.”, ayuu yiri Andre

Maandeeq FM

Related Articles

Close