arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Pigcasso” Waa Farshaxamiiste Sawirkii Kaliya Ka Hela €2,000!.. Sidan Ayuu Ugu Abaalguday Haweenaydii Ka Badbaadisay Gowraca

 

In la yiraahdo fanka sawirka waxaa laga helaa lacago farabadan waa arrin iska caadi ah, laakiin marka aad maqasho oo lagu yiraahdo sawirkaa waxaa burushka u qaatay doofaar waxaana lagu iibinayaa €2,000 euro, arrin caadi ah uma muuqaneyso dadka oo dhanina way la yaabayaan.

Sida ay qortay jariidada dalka Ingiriiska kasoo baxda ee “The Times” Xayawaankan da’diisu waxay tahay hadda 21 bilood, waxaana loo bixiyay “Pigcasso“, sawiradana isagaa burushka u qaata oo afkiisa ku sawira!.

Waxa uu illaa iyo hadda sawiray 44 loox oo farshaxan ah, Joanne Lefson ayaana ka badbaadisay kawaanka kana soo iibsatay beerta slaughterhouse ee gudaha Koofur-Afrika

Lefson oo ah tababaraha gaarka ah ee Pigcasso ayaa jariidada National Geographic u sheegay in xaywaankani uu muujiyay xiisaha uu burushka u hayo, afkiisa ayuu ku qabsaday isagoon calaajin. Kadibna, waxaan hordhigay gobol loox ah waxaanan baray sida wax loo sawiro. Anigoo xoogaa dhiirigelin ah siinaya, si aad ah ayuu wax u baranayay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sawirradiisa adduunka oo dhan ayaa lagu iibiyaa

Illaa iyo hadda waxaa la iibsaday 44 sawir oo uu afkiisa ku sawiray, waxaa iibsaday dadyow dunida oo dhan ka kala socda, waxaana sawirradiisu yaallaan UK, Mareykanka, Kuuriyada-koonfureed, iyo Malaysia.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close