arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Fatwo Cusub oo Ku aaddan Sawirka “Selfie” ah ee La Iska Qaado Xilliga Xajka iyo Cumrada

 

Xoghayaha “Daar Al-Iftaa” ee dalka Masar Sheekh Ahmed Mamdouh ayaa sheegay in asalka sawiirada xasuusta”Selfie”ah ee la iska qaado xilliga gudashada waajibaadka Xajka iyo Cumarada uu yahay mid bannaan oo wax diidayaa aanuu jirin.

Axmed oo kasoo dhex muuqada muuqaal barta Facebook “Daar Al-Iftaa” ay ku faafisay ayaa yiri: “Marka dhacdooyinka qoyska ah la sawirayo way bannaan tahay, laakiin marka la sawirayo shay aanuu Alle SW raalli ka ahayn ma bannaana.”

Waxa uu intaa sii raaciyay: “Adeegsiga camera-da xajka ma buriyo ajarkiisana hoos uma dhimo, laakiin lama doonayo inaan camera-da ku mashquulno si khushuuca cibaadada loo ilaaliyo.”

Waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray: “Xajka waa safar rooxaani ah oo khushuuc iyo cibaado qofka laga doonayo, qofku wuxuu safrayaa isagoo ka tagaya ehelkiisa, maalkiisa iyo adduunyadiisa, si uu u helo raalli ahaanshiyaha Alle SW, dambigiisii oo dhanna looga dhaafo.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close