JaamacadahaWararkaWaxbarashada

Minxiyooinka La Helaa “Chevening” oo Qura Maaha.. Sidee Minxo Waxbarasho oo Dhameystiran Looga Helaa Gudaha Dalka Ingiriiska?

 

Bisha Feburay ee sanad kasta ayaa ardayda waxaa loosoo diraa natiijada minxada dowlaadda Ingiriisku bixiso ee Chevening” loo yaqaanno, waa “deeqda waxbarasho” ee ugu tartanka badan adduunka, malaayiin arday ah oo dagan daafaha kala duwan ee adduunka ayaa codsada, iyadoo in badan ay ku hongoobaan hankooda ah iney ku guuleystaan.

Waxaan dadbadani ogeyn in “Chevening” aaney ahayn wadada kaliya ee  minxo waxbarasho looga helo dalka Ingiriiska, waxaa jira jaamacado farabadan oo bixiya minxooyin kala duwan oo qaarkood ay khaas u yihiin dalalka dhibaatooyinka iyo dagaalladu ka jiraan oo gudaha Ingiriiska laga helo.

Hadaba, waxaan maanta idiin soo gudbineynaa jaamacadaha minxooyinka caalamiga ah bixiya ee ka dhisan gudaha dalka Ingiriiska.

  1. Jaamacadda Brighton

Waxay bixisaa jaamacadani minxo dhameystiran oo 100%, shardiga kaliya ee ku horyaalla waa inaad tahay arday sare, daraasadda oo qura inaad ku sarreyso maaha ee waxyaabaha kale ee dhanka bulshada iyo howlaha aad iskaa-wax-u-qabso aad ku fuliso waxay kuu galayaan qiimahaaga gaarka ah. Dalka kasta ayaa laga codsan karaa, laakiin waa dadka Masters degree doonaya.

Halkan riix si aad u dalbato

  1. Jaamacadda Oxford

Jaamacadani waxay kaalinta koowaad kaga jirtaa jaamacadaha adduunka, sida ay qorayaan warbixinnadii ugu dambeeyay ee 2018, ee lagu daabcay wargeyska “Guardian Times” ee ku takhasustay waxbarashada sare, saddexda darajo ee kala duwan oo minxo ah ayay bixisaa jaamacaddu, gaar ahaa Masters degree ayaa si aad ah looga helaa, sand kasta waxaa jaamacaddu bixisaa 1000 qof oo waxbarasho lacag la’aana ah.

Halkan riix si aad u dalbato

  1. Jaamacadda Westminster

Jaamacaddan oo ku taalla dhex-bartamaha caasimadda London ayaa waxay bixisaa minxo dhameystiran oo la siiyo dowladaha soo koraya, laakiin marka hore waa inaad hesho aqbalaad minxo Masters ah oo aan dhanka cilmibaarista ahayn, kadib meeshii kale aad doonto ayaad u wareegsan karta.

Halkan riix si aad u dalbato

  1. Jaamacadda Bradford

Minxada ay jaamacadani bixiso waxaa xoogga lagu saaraa ardayda wadamada dagaallada iyo dhibaatadu ay ka jiraan, waxay bixisaa minxo dhameystiran, waana Masters degree

Si aad u dalbato halkan riix

  1. Jaamacadda Cambridge

Jaamacadani waxay kaalinta 2aad kaga jirtaa kala sarreynta Jaamacadaha ugu wanaagsan adduunka, jaamacadda waxaa aad iskugu dila oo waxbarashadeeda ku dagaalama dadka doonaya physics iyo engineering electronic, Suugaanta, maxaa yeelay; waxaa jooga macallimiinta ugu wanaagsan ee takhusaadkaa wax ka dhiga adduunka.

Jaamacaddu sanadkan waxay u dabaaldageysa sanadguuradeedii 80aad ee aas-aaskeeda, jaamacaddu waxay kaalinta 4aad kaga jirtaa jaamacadaha adduunka dhanka aas-aaska, kaalinta labaadna waxay kaga jirtaa jaamacadaha ku haldla luqadda Ingiriiska kuwoodii ugu horreeyay.

Jaamacadani waxay bixinsaa minxooyin farabadan waxaana ugu muhiimsan “Gates Cambridge” oo ay maalgeliso hay’adda samafalka billionaire-ka reer Mareykan ee Bill Gates, waana minxo si aad ah loogu tartamo, qofkii helaa waxaa uu bishii helayaa lacago gunno ah oo sanadkii gaareysa illaa 14 kun oo giniga Ingiriiska ah oo ka dheeraadka lacagta waxbarashada, minxadan waxay u furan tahay dadka Masters-ka ah iyo kuwa PhD doonaya.

Halkan riix si aad u codsato

Maandeeq FM

Related Articles

Close