WacyigelinWararkaWaxbarashada

10 Astaamood ee Lagu Garto “Difaacayaasha Adduunka” oo 1% Ka Ah Dadyowga Dunida!

 

Website-ka FB.ru” ee dalka Ruushka laga leeyahay ayaa faafiyay warbixin uu kaga hadlay caalamado gaar ah oo haddii qofka lagu arko ay ka dhigan tahay inuu ka tirsan yahay koox la yiraahdo “INFJ” oo 1% ka ah dadka adduunka, muhiimad gaar ah iney fuliyaanna adduunka u jooga.

Website-ka ayaa warbixin dheer kaga hadlay sifooyinka ay dadkaasi leeyihiin, waxa uu sheegay iney yihiin dad naadir ah oo hadafkoodu yahay iney aduunka wax kaga bedelaan, meel wanaagsan oo naqlehna ay dadka gaarsiiyaan.

Sifooyinka dadkaa lagu garto waxaa ka mid ah:

  1. Waa dadka kali socod ah oo aan saaxiibbo badan lahayn, waxayna ka tirsan yihiin group-ka INFJ oo ah dad xirxiran oo garaadkoodu sarreeyo, waana tan keenaysa iney asaagood ka duwanaadaan.
  2. Dadka adduunka waxay ka yihiin 1%, waxayna adduunka u joogaan gudashada howl gaar ah, waxayna inta badan ka shaqeeyaan iney bulshada hagaajiyaan.
  3. Yaraantooda waxaa lagu arkaa iney u damqasho badan yihiin dadka kale, waa dad inta badan bisil garaadkooduna uu aad u sarreeyo.
  4. Dadka kale xiriirka ay la leeyihiin waa mid mugleh, dadkuna si aad ah ayay u ixtiraamaan.
  5. Waxaa lagu naaneysaa “Difaacayaasha Adduunka“, waxyaabaha howl-tabinta u leh noloshooda way ka duwan yihiin dadka kale, inta badan waxay ka shaqeeyaan hagaajinta bulshada iyo u adeegiddooda.
  6. Dadka oo dhan talada ayay dhankooda u soo doontaan, lacagtuna marnaba ma saameyo noloshooda go’aanadoodana waxba kama bedesho.
  7. Saaxiibadood aad ayay u kooban yihiin, inta badanna waxay aaminsan yihiin in saaxiibbo badan oo la yeeshaa aaney macno usameynayn, waxayna leeyihiin saaxiibbo kooban oo ay ku tiirsan yihiin.
  8. Qofka kooxdan ka tirsan kuma koobnaado inuu xaqiijiyo hadaf qura ee laakiin waxa uu isku dayaa inuu ahdaaf farabadan tiigsado oo uu xaqiijiyo noloshiisa.
  9. Fikradaha dadkani mararka qaar dadka kale ma fahmaan, waxay awoodaan iney arrin kasta u falanqeeyaan si ka heersarreysa dadka kale, waxay arkayaan ayaan dadka kale u muuqan, waa halka ay suugaanta Soomaalidu ka tiraahdo ‘Ninka ugu aragti dheerbaa dadka ugu ayaan daran, waxaan lala arkaynbaa isaguun u muuqdee’.
  10. Waxay leeyihiin hibo aad u sarreysa oo dhanka qoraalka ah, fikirkooda si heersare leh ayay u cabiraan, dadkuna ra’yigooda si wanaagsan ayay u fahmaan uguna qancaan.

Ugu dambeyn, kooxdan aan kasoo sheekaynnay astaamahooda ee la tilmaamayo iney dadka adduunka ka yihiin 1%, laguna naaneysaa “Difaacayaasha Adduunka”, iska eeg haddii aad ka tirsan tahay, waxaa hubaal ah inaad meel wanaagsan gaari doonto, waa haddii cimri kugu simo.

Maandeeq FM

 

Related Articles

Close