arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Shiinays ah oo Nolosha Dib Ugu Soo Laabatay oo Aakhiro Ka Sheekaynaysa

 

Muwaadinda u dhalay dalka Chinese ah ayaa Naftu dib ugu soo noqotay, hadda geerida kama baqato, waxay si dhab ah u ogtayay -siday sheegayso- in gaaridu aaney ka dhigneyn dhammaadka waxwalba. Waxay ka sheekaysay tijaabadeedii geerida, dadkana waxay ugu baaqeysaa inaaney ka baqan.

Sida lagu dabacay warabaahinta dowaladda Ruushka ay maalgaliso ee  “RT.com”, Xue waxay isbitaalka u gashay qufac(hargab) daran oo qabtay in muddo ahna ay la dhibaatoonaysay, dhakhaatiirta ayaa go’aansaday iney ku duraan dawo awood badan oo waxtar leh si mar un qufaca looga joojiyo, laakiin way miyir daboolantay waxayna gashay koom’a aad u dheer. Waxay ahayd qof jiritaanka ALLE aan aaminsaneyn, laakiin dhacdadii ay la kulantay waxay ka dhigtay mid nolosheeda waxbadan ka bedeshay.

Haweenaydani oo ka sheekaynaysa qisadeeda ayaa waxay tiri, Markii aan miyir-daboolmay ee aan koomaha galay, ruuxdayda iyo jirkaygu Labo ayay kala noqdeen, waxay sheegtay iney maqlaysay oo ay arkaysa sheekadii dhakhaatiirta iyo jirkeeda dadkii ku hareeraysnaa. Iyadoo hadalka si wadata ayaa waxay leedahay; Ruuxdaydu waxay aadday dhanka god ay makhluuqaad farabadani ku sugan yihiin, waxaan dareemayay iney i jecelyihiin, way i dejinayeen waxayna ii sheegayeen inaan jirkii dib ugu laabto mar kale.

Kadib markii uu wacyigeedii u soo noqday ayaa waxay tiri, wixii aan arkay wax erayo aan kusoo koobi karo maaha, hadda geerida kama baqato, waxay leedahay waa bilow oo qura, ra’yigeedii hore ee “Ilxaadnimadana” dib ayay uga noqotay, hadda waxay aaminsan tahay iney aakhiro jirto.

Maandeeq FM

Related Articles

Close