TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Mobile-ka Ugu Ammaanka Badan Adduunka.. Iskii Ayuu Xogta U Masaxayaa.. Madaxda Ayaana Loo Sameeyay

 

Shirkadda ammaanka electronic-ga ee la yiraahdo “DarkMatter” ayaa daaha ka rogtay mobile cusub oo ay ku tilmaantay inuu yahay kan ugu ammaanka badan adduunka, kaas oo la magacbaxay KATIM.

Mobile-kan ayaa waxa uu leeyahay shaashad 5.2 inches, nidaamka uu ku shaqeeyaana waxa uu yahay “Android“, laakiin waxaa si aad u heersarreysa looga taxadaray ammaankiisa.

Taleefoonka ayaa lagu qalabeeyay teknoolajiyad aad u heersarreysa oo in la soo jiiraa aaney suurtogal ahayn, waxa uu wataa qalab markii aad farriinta akhriso si iskii ah u masaxay, si loo hubiyo labada indhood ee farriinta arkay iney kuwaaga oo qura yihiin.

Sida ay sheegtay shabakadda “CNBC“, haddii shirkadi ay isku daydo iney ku ciyaarto data-ta mobile-ka isla markiiba qeybta aammaanku waxay u soo direysaa mobile-ka farriin ah inuu masaxo data mobile-ka gabi ahaanba, si iskii ah ayuuna isku masaxayaa.

Mobile-kan ayaa waxa uu leeyahay  “gaashaan” qofka u ilaalinaya khusuusiyaadkiisa gaarka ah, xilliyada shirarka qarsoodiga ah, waxa si automatic ah isku xiraya makarafoonka, camerada iyo Bluetooth-ka, si looga hortago jaasuuska electronic-ga ah ee suurtogal ah.

Shirkaddan ayaa caddeysay in mobile-ka loo sameeyay si ay u isticmaalaan mas’uuliyiinta xukuumadaha adduunnka ugu muhiimsan, sida; Madaxweynayaasha, mas’uuliyiinta sarsare iyo maamulayaasha shirkadaha waaweyn.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close