WararkaWaxbarashada

13 Milyan oo Qof oo Ku Kulansan Geedka Qoyska ee Ugu Ballaaran Adduunka

 

Cilmibaaryaal “haybta” dadka ku takhasusayay ayaa sameeyay daraasad aad u ballaaran oo ay kasoo saareen hayb ay ka isku mid ah oo ay ka wada tirsan yihiin 13 milyan oo qof, iyadoo danta daraasaddan laga lahaa ay ahayd in lagu ogaado taariikhda haybta dadka Yurub iyo Waqooyiga Mareykanka.

Xogta ay heleen ayaa waxaa uga soo baxayay dad isku hayb ah oo tiradoodu xooga ka badan tahay dadka Belgium, kadib markii ay si gaar ah u baareen taariikhda 500 sano oo guur iyo socdaal iskugu jira, halka ay daraasadooda ku dhex wadeen iney baaraan kaalinta hidde-siduhu ku leeyahay nolosha dadka iyo horumarkooda

Si ay geedkan haybta u sawiraan waxay adeegsadeen xogo dadka oo dhan u furan oo taalla Internet-ka.

Professor Yaniv Erlich oo ka mid ah khubaradii daraasaddan wax ka alliftay  isla markaana ah caalim dhanka computer-ka wax ka dhiga jaamcadda Columbia ayaa yiri: “Shaqo adag oo aan qabteen khubaro badan oo dhanka genealogists-ka ah oo daaneynayay iney ogaadaan taariikhda qoyskooda ayaan ka sameeyay geed qoys aad u baallaaran, waxaanan kala soo dhex baxnay shay aan horey cidi u helin.”

Cilmibaarayaasha ayaa waxay falanqeeyeen xogta 86 milyan oo file qofeed ah, iyagoo kaashanaya shirkadda DNA ka shaqeysa ee la yiraahdo “MyHeritage” oo ah tan uu hoostago website-ka Geni.

Cilmibaarayaashan oo natiijada daraasadooda lagu faafiyay wargeyska Science, ayaa waxay aaminsan yihiin in daraasaaddan ay sameeyeen ay faa’iidooyin u yeelan doonto daaraasado cusub oo suurtogal ah.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close