JaamacadahaWararkaWaxbarashada

5 Sababood oo aad Ku Dooran Karto Takhasuska Business.. Xitaa Haddii aad Takhasus Kale Horey u Sameysay!

 

Ma jeceshay inaad barato Business? Ma is weydiineysaa in takhasusuku kugu habboon yahay iyo in kale? Waxaan kaa caawin karnaa inaad go’aan wanaagsan gaarto..

Sababaha aad ku dooran karo takhasuska Business

  1. Waa Farac guud

Waa farac guud oo ay hoos yimaaddaan faracyo kale oo macluumaad lagaa siinayo xilliga jaamcadda, taasina waana arrinta muhiimaddiisa sii kordhineysa.

  1. Wuu faa’iido badan yahay

Warbixin ay soo saartay jariidada caanka ah ee la yiraahdo business insider cilmibaaris  la sameeyay 2017 ayaa lagu ogaaday in business, finance ay noqdeen takhusaasda saddexaad ee lagu helo daraasaadka sare.

  1. Hibooyinkaaga ayaad horu-marin kartaa

Haddii aad business-ka barato waxaad horumar ka sameyn kartaa dhinacyada kala duwan ee nolosha; waxaad baran kartaa Marketing, human resources iyo management-ga.

  1. Shaqo wanaagsan ayaad ku heli kartaa

Waa dhab, shayga ugu wanaagsan ee barashada business-ka waa inuu ku habboon yahay dhinacyo farabadan fursadiisa helitaanka shaqana ay aad u ballaaran tahay.

Iyadoo maalmahan dambe shaqo gaar ah oo la isku halleyn karo aaney jirin ayaa hadana waxay tahay meel shaqo aad u wanaagsan aad ka heli karo.

  1. Shaqooyinka aad ku heli karto

Business Manager, Project manager, Operational Researcher, Marketing Executive, Data Analyzer, Certified Public Accountant, inaad jaamacadaha shaqo part-time ah ka hesho way kuuu sahlan tahay, Masters degree si fudud ayaa u heli kartaa.

Si kastaba, khubarada dhinaca shaqooyinka ku takhasusay waxay tilmaamayaan iney wanaagsan tahay inuu qofku barto business takhasus kale hadduu rabo ha yeeshee, si uu aqoontiisa u ballaariyo shaqo heliddiisuna ay u badato.

Maandeeq FM

Related Articles

Close