TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Daraasad: Saddex Meelood oo Meel Qalabka Dadka Daawada Websiteyada Anshaxdarrada ah Waxaa Ku Dhaca Fayrasyo Halis ah

 

Daraasad cusub ayaa u digtay dadka daawada website-yada anshaxdarrada ah ee baahiya muuqaallada galmada iyo wixii la xiriira, computer-ka iyo mobile kaagu waxay halis ugu jiraan iney ku dhacaan virus-yada loo yaqaanno “digital S TI” oo aad ugu badan website-yadaas.

Sida lagu daabcay website-ka “Mirror” ee kasoo baxa dalka Ingiriiska, cilmibaarayaal ka tirsan “Kaspersky Lab“, ayaa sheegay in  kudhawaad 1/3 dadka qaangaarka ah ee dalka UK ee daawada website-yada anshaxdarrada ah  computer-kooda iyo mobile kooda laga helay virus, daraasad lagu sameeyay 1000 qof oo qaangaar ah gudaha dalka UK, 30% fayruskaas waxay kasoo qaadeen muqaallo ay dadka qaangaarka ah daawadaan.

Dadkan ayaa la ogaaday in 10 qof  ee kasta midkood  aanuu qalabkiisu lahayn anti-virus halka dadka badankood ay anti virus-ka u lahaa qalabkooda computer-ka ama mobile-ka ay isticmaalayeen.

Cilmibaayaasha “Kaspersky Lab” ayaa sheegay in ku dhawaad 323 kun oo gal-dalool barnaamij virus ah oo kusoo raacaya marka aad ku dhufato muuqaallada anshaxdarrada ah ee dhanka Internet-ka waxaa loogu talogalay in qofka lagu xado macluumaadkiisa gaarka ah iyo lacagta bankiga ugu jirta.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close