WararkaWarbixinnoWaxbarashada

Inaad Dhakhtar Noqotaa Maxay Kaaga Dhigan Tahay?

 

Arday badan ayaa markay dugsiga sare dhammeeyaan jecel iney dhakhaatiir noqdaan, riyadooda nolsha ee koowaadna ay u tahay iney arkaan iyagoo xiran dharka caanka ah ee dhakhaatiirta lagu yaqaanno, iyadoo ay u muuqato un lacagaha faraha badan ee uu qaato iyo ixtraamka gaarka ah ee ay bulshadu u hayaan.

Maxay ka dhigan tahay inaad Dhakhtar noqoto? waa su’aal aad u baaxad weyn oo u baahan macno badan oo mugleh si loo fahmo.

Iyadoo xilliyadii hore laga yaabo inaad ahayd qof gabya oo dhanka suugaanta ku fiican, wakhti fiican u haysta noloshiisa, asxaab badan leh ayaa marka aad dhakhtar noqoto xaaladaasi mar qura is bedelaysaa, waxaan noqoneysaa qof qora daawo ama dhimashada gacantiisa ku saxiixa, waxaan noqoneysaa qof wakhtigu ciriiri ku yahay oo si uu fursad u helaana ay adag tahay.

Hadaba, Su’aashan ayaan hordhignay Dr. Maxamed Maxamuud Fuje oo cuduradda Guud ku takhasusay, kana howlgala xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Dr. waxa uu hadalkiisa ku bilaabay: “Inaad dhakhtar noqoto waa awood aad wax ugu qaban karto qof dhibaataysan, bulshada oo dhanna aad ku caawin karo.”, waxa uu soo qaatay qeyb ka mid ah Aayadda 32aad ee Suuradda Al-Maa’ida ee ALLE SW uu leeyahay “Qofkii qof nooleeyaa waxa uu lamid yahay isagoo adduunka oo dhan nooleeyay.”

“Dhakhtarnimadu waa qalbi adayg, qof matagaya, shubmaya, calooshu kasoo jeeddo ayaad gurmad caafimaad u fidineysaa.”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dr. Maxamed waxa uu sheegay in dhakhtarnimadu tahay mas’uuliyad qofka la doonayo inuu si wanaagsan u guto: “Marka uu shuban biyood uu meel ka dillaaco dhakhtarka waxaa laga doonayaa inuu ka fakaro sababta cudurka, si faafitaankiisa loo yareeyo marka hore, haddii uu ceelbiyood wasakhaysan yahay ama nadaafad-darro kale ay jirto, waa in dhakhtarku uu dadkiisa wacyigelin siiyo si dhibaatadu inta aaney dhicin karto looga hortago, marka ay dhacdana xidigeeda loo yareeyo.”

“Waxaa kale oo mas’uuliyadda dhakhtarka ka mid ah in qofka aanuu waxba u qaban karin uu u diro dhakhtarka kale ee kaga aqoonta badan, si aanuu xaaladda bukaanka uga sii darin iyo in xooggiisa uu wax ka sadaqeysto” Ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Dr. Fuje.

Dhibaatooyinka dhakhtarnimada ku hareeraysan

Dhibaatada dhabta ah ee dhakhtarka haysataa waa inuu bukaanka dhibaatadoodu ay isaga dhibaatadiisa tahay, waxaase ugu dhib badan markii bukaan ay xaaladdiisu hayst tahay uu isku dayo inuu rajo u abuuro, xilligaa isagoo bukaanka la dhibaatoonaya ayaa hadana waxa uu isku dayaya inuu xoogaa rajo ah u abuuro bukaan xaaladiisu rajo la’aan tahay ALLE mooyee cid kale oo badbaadin kartaana aaney jirin.

Xiriirka taleefoonka aad la leedahay way xumaaneysaa inta badan waxaa kaa soo wacaya dad dhibaatooyin kala duwan ay haysato, haddii shaashadda aad ka arki waydo macaga qof qaraabo ama asxaabtaada ka tirsan, waxaa isla markiiba kugu dhalaneysa walwal tolow qofka kolley dhibaataa haysatee sidee loo hayaa.

Waxaad noqoneysaa qofka ugu horreeya ee balaayada saadiya inta aaney dhicin ka hore, waxaad noqoneysaa qofka ugu horreeyay ee si hordhaca uga warrama farrimaaha qadarka ee ALLE un xogtooda ogyahay, waxaad ka sii waramaysaa qofkani uu rajo nololeed leeyahay iyo in kale, kadib markaad aragto calaamado gaar ah oo waayo aragnimo ama cilmigu uu sheegayo.

Ugu dambeyn, arrimahaa aan kasoo sheekaynnay ee xanuunka iyo dhabaatada u badan, dhinaca kale waxaa jira xaalado qurux badan oo ifaya, sareedada laga helo ilmo farxadeed oo qof aad ka hesho looma dhigi karo kun farxad qosol ah oo dhalanteed ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close