CaafimaadkaWararka

Khalad  Ay Dadku Ka Siman Yihiin  Xilliga Gacmo Dhaqashada

 

Gacmaha oo la mayraa waa arrin u wanaagsan nadaafadda qofka, laakiin waxaa caddaatay in malaayiin qof ay gacmahooda u nadiifiyaan waddo khaladan oo keeni karta iney cudurradu ku faafaan.

Haweenayda caanka ah ee khabiirka dhanka Pharmacist-ga  ee ka tirsan Lloyds Pharmacy, lana yiraahdo Anshu Bhimbat ayaa jariidada “Mail” u sheegtay daliil cilmiyeed ku saabsan habka ugu habboon ee gacmaha loo mayro, waxayna sheegtay khaladka ay dadbadani ku dhacaan oo cudurradu ay ku faafaan, dadbadani ay ku dhaqaan xilliga ay guriga joogaan.

Waxay tiri: “Waxaa muhiim ah inaad gacmaha ku qalajisato adigoo adeegsanaya warqad ama maro cid kale aaney kula isticmaaleyn, si looga dhowrsado in bakteeriyada ama fayrusku uu faafo.

Waxay caddeysay, iney qoysku shukumaan qura u adeegsadaan qalajinta gacmahooda ay tahay khaladka caanka ah oo dadka intiisa badani ay ku dhacaan, cuduraduna ay ku faafaan.

Anshu waxaa kale oo ay dadka la wadaagtay, talooyin ku aaddan xilliga hurdada, marka uu qofku qufaca hayo ee uu hargabsan yahay, waxayna tiri: “Haddii hargabka(durayga) uu kuu keeno hurdo la’aan, waxaa aad u fiican in daawooyinka laguu qoro aad qaadato xilliga habeenkii, arrintaasi waxay khafiifineysaa xiranka sanka, hurdadadana si fiican ayaad u seexan kartaa.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close