WararkaWaxbarashada

Daaweyn Cusub oo Rajo Fiican Gelinaysa Dumar Badan oo Da’doodu Ka Weyn Tahay Afartanka

 

Jariidada “The Sun” ee kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa qortay in koox khubaro dhanka sayniska ah ay ku guuleysteen daawo cusub oo “Xaylka” dib ugu soo celinaysa dumarka ay caadadu ka go’day.

Khubaradan ayaa caddeeyay iney u suurtogashay iney meesha ka saaraan mushkiladda “xaylka oo go’a”, waana markii ay tijaabo ku sameeyeen dumar badan oo da’aadda afartamaadka dhaafay.

Daawadan ayaa Lix bilood oo qura miro-dhalkeeda lagu arkayaa, waxaana kor u kacaya hormoonka estrogen oo dib isku cusbooneysiinaya.

Waxaa Unugyada stem-ka laga qaaday 33 dumar ah oo lagu tallaalay ugxanta midkasta oo ka mid ah, waxaa dib u soo noqotay caalamadihii caadada (Xaylka) muddo Lix bilood ah gudahood.

Dr. Carolyn  oo ah cilmibaare sare oo ka tirsan Jaamacadda Minnesota ee gobolka Minneapolis ee gudaha dalka Mareykanka ayaa tiri: “Dumarku waxay ku noolyihiin nolol caafimaad oo miro-dhal ah xitaa marka ay gaaraan da’da ay caadadu ka go’do, waana arrinta keenaysa in loo raadiyo adeegyo wanaagsan.”, iyadoo markaa tilmaameysay in dumarku ay xilligaa uurqaadista ay awood u leeyihiin in rajo loo abuuraana ay wanaagsan tahay.

Si kastaba, daawadan cusub ayaa rajo fiican siineysa dumar badan oo rajo la’aan dareemaya wakhtigii caadadu ka go’aysayna jooga. Waxay dib u helayaan rajadoodii ahayd iney mar un wax dhalaan, waa kuwa aan weli caruur dhalin.

Maandeeq FM

Related Articles

Close