WararkaWaxbarashada

“Intaad Qeyrkaa Baryi Lahayd Hadhow Hadda Wax Qabso”.. Arday Dhigta Dugsi Sare Class-ka 4aad oo La Yimid Hal-abuur uu Ku Shaqeysto

 

Waxsoosaarkan waxaa lagu sameeyay dalka gudahiisa mana ahan waxsoosaar ay iska kaashadeen ganacsato ama dad kale oo Maalqabeen ah, balse waxaa hal-abuuray oo sameeyay Sakariye Khaalid Cabdiraxmaan oo ah ardey dhigta Fasalka 4-aad ee dugsiga sare ee magaalada Hargeysa.

Sakariye ayaa markii ugu horreysay hal-abuurkiisa ku soo bandhigay Iskuulka uu dhigto, iyada oo ardeyda Iskuulkiisa ay aad uga heleen waxsoosaarkiisa iyo hal-abuurka cusub ee uu ka yimid.

Sakariye ayaa Kabahan ka sameeya Xarko oo asal ahaan aan loogu talagalin in laga sameeyo Kabo, hase ahaatee uu isagu uga faa’ideystay hal-abuurkiisa, isaga oo u waramayay Goobjoog TV (oo Maandeeq FM ay bahwadaag yihiin), ayaa waxa uu yiri: “Hadda waxaan wadaa Kabo, kabahaas waxaan ka sameynayaa Xarko, Xarkahan waxaan ka soo iibsadaa Suuqa”.

Sakariye Khaalid Cabdiraxmaan ayaa sheegay sababta ku kalliftay in uu waxsoosaarkan sameeyo, ka dib markii uu arkay daruufaha adag ee waddanka ka jira gaar ahaan shaqala’aanta uuna ku fikiray sidii uu wax cusub uu Suuqa u keeni lahaa, si hadhow marka uu dhameeyo dugsiga sare uusan ula kulmin shaqala’aanta dalka ka jirta.

Waxaan is idhi berri waddanka cid kuu damaana qaadeysa malahan in ay shaqo ku 
siineyso ama wax kale kuu qabaneysa, waxaan is idhi intaad qeyrkaa baryi laheyd 
hadhow hadda wax qabso, intii aan magaalada joogi lahaa shaqala’aan waxaa ii 
fiican  in aan ku mashquulo waxsoosaarkeyga”.

Ardeyda Sakariye la dhigta fasalka ayaa waxa ay u arkaan halyey ka soo dhexbaxay isla markaana u baahan in la dhiirrigeliyo hal-abuurkiisa.

Saynab Maxamuud Cabdullaahi waa hooyada dhashay Sakariye Khaalid waxa noo sheegtay in ay aad ugu faraxday marka ay aragtay hal-abuurka wiilkeeda waxayna tiri: “Inta uu guriga joogo waxa uu aad uga fakaraa in uu noqdo hal-abuure wax soo-saara, fikraddana isaga ayaa madaxiisa ka keenay cid la keentay oo ku dhalisay ma jirto”.

Ha-abuurka noocan oo kale ah ayaa u baahan in la dhiirrigeliyo, isla markaasna haddii la maalgeliyo dalka iyo dadkaba wax badan u tari doona shaqo abuur farabadanna yeelan doona.

Maandeeq FM

Related Articles

Close