TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Shirkadda Facebook oo Tijaabineysa Adeeg Cusub oo Soomaalidu Aad Ugu Baahan Tahay

 

Barta ugu caansan baraha bulshada ee “Facebook” ayaa soo kordhineysa badhan cusub oo magaciisu yahay “Add Voice Clip” oo la filayo inuu kasoo dhex muuqdo doorashooyinka ka hooseeya sanduuqa “Status update“, dadka adeegsada waxaa loo ogolaanayaa iney diiwaangeliyaan cod oo ay asxaabtooda la wadaagaan, waa sida qoraallada, sawirrada iyo muuqaallada oo kale barta u soo dhigaan.

Warbixin cusub oo lagu daabcay website-ka “TechCrunch” ee gudaha dalka Mareykanka ka soo baxa, ayaa lagu sheegay in shirkadda Facebook ay tijaabineyso adeeggan cusub oo loo sii daayay dadka kooban oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida, waxaana markii ugu horreysay lagu arkay qof barta ku xiran oo India ku nool.

Afhayeen u hadlay shirkadda Facebook ayaa yiri: “Waxaan u taagannahay inaan dadka ka haqab tirno adeegyadeenna, si ay xiriir fiican ula sameeyaan asxaabtooda iyo qoyskooda, iyagoo waddooyin kala duwan ula xiriiri kara oo dabeecadooda ku habboon, codkuna dadka waxa uu siinayaa fursad cusub oo ay naftooda ku cabiri karaan.”

Si kastaba, Adeeggan cusub ayaa dadbadan uga fiican qoraalka oo ay dhibaato ku qabaan hagaajintiisa,  iyadoo Soomaalida siday u badan yihiin lagu tiriyo oral-society(bulsho hadalka ku fiican), adeeggan cusubina uu aad u afnici doono marka si rasmi ah loo soo daayo.

Maandeeq FM

Related Articles

Close