WararkaWaxbarashada

Sirta Guulaha “Elon Musk”

 

Elon Musk  waa madaxa sare ee shirkadaha “Space X” iyo “Tesla“, maalintiisa shaqo waxay u qeybsan tahay qeybo kala duwan, mid kasta waxa uu u dhaxaysiiyaa nasasho 5 daqooqo ah, wakhti badanna kuma bixiyo farriimaha e-mailka ee loosoo diro.

Sida ay tilmaamayso jariidada Independent, mabda’a uu aaminsan yahay waa inaan wakhtiga marnaba la dayicin, waana arrinta u suurtaggalisay inuu maamulo Labo shirkadood oo waaweyn, waa Space X iyo Tesla, halka aanuu inta badan mobile-kiisa iyo farriimaha dhanka e-mailkana ka jawaabin.

Waxa uu ka shaqeeyaa inuu xalliyo shaqooyinka xalka u baahan, isagoo marba mid si gaar ah u kor istaaga, mas’alad kastana 5 daqiiqo ayuu go’aankeeda ku gaaraa. Saxafiyiintu waxay yiraahdaan; waxa uu ku dadaalaa 5 daqiiqaba kastaa mar inuu wax cuno. Maalintii waxa uu seexdaa 6saacadood oo qura, shaqada isbuucii waxa uu qabtaa 85 illaa 100 saacadood oo 80% wuxuu ku bixiyaa naqshadeynta injineernimada ah.

Elon Musk waxa uu qorshaynayaa mashruuc uu dadka safarro dalxiis ah ugu geynayo hawada sare marka la gaaro 2024.

Mashaariicdiisii ugu dambeeyay ee uu gacanta ku hayo waxaa ka mid ah inuu internet caalami ah diyaariyo oo meel kasta oo dunida ah laga isticmaalo, waana mashruuc weyn oo u baahan illaa 12 kun oo Dayax-gacmeed oo adduunka oo dhan ku wareegsan, waxaa hadda hawada sare loo diray February 12, 2018, Labo dayax gacmeed oo la saaray gantaalka Falcon 9.

Jariidada Forbes waxay hantidiisa ku qiyaasatay sanadkii 2017, iney gaareyso $21 bilyan oo dollar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close