WacyigelinWararkaWaxbarashada

14 Caado ee Aad Ku Xaqiijin Karto Mustaqbal Guul Leh Markaad Gaarto Da’da 30 Jirka

 

Dadbadan ayaa waxay raadiyaan waddooyinka ugu wanaagsan si ay nolosha ugu guuleystaan, mustaqbalkooda dambana uu u noqdo mid iftiima.

Jariidada “Independent” ee kasoo baxda gudaha dalka Ingiriiska ayaa qoftay 14 talo oo ay waajib tahay in la raaco xilliga da’da soddon jirka marka uu qofku yahay:

  1. Iska jooji Sigaar cabista

Daraasaadka la sameeyay ayaa sheegaya in dadka sigaarka iska joojiya 40 jirka ka hor, ay fursada cimiri-degdeggoodu uu yaraado %90.

  1. Hurdada ku dadaal

Ku dadaalk inaad saacad go’an seexato, isla markaana aad wakhti go’an soo kacdo.

  1. Dhaqaaq badan samee

Waa inaad si joogto ah jirkaagu uu firfircooni u sameeyo, sports-kana aad ciyaarto.

  1. Xasuus qor samee

Fikirkaaga, maashriicdaada, xasuusahaaga gaarka ah diiwaangeli.

  1. Sameyso Kayd lacageed

Markasta oo aad xilli hore wax meel dhigato faa’iidadaad ayaa badaneysa.

  1. Riyada noloshaada rumee

Waa inaad sameysato ahdaaf nololeed oo aad darteed u nooshahay, waa in isla hadaba aad qorsheyso sidii aad ku gaari lahaydna dadaalkeeda bilowdo.

  1. Ku Farax waxaad haysato

Ha eegin cidda kaa sarreeysa dhanka adduunyada ee eeg dadka tirada badan ee kaa hooseeya, waxaa hubaal ah inaad nafisi doonto waxa aad haysatana aad ku qanci doonto.

  1. Ha isku dayin inaad dadka oo dhan qanciso

Dadka cidi ma raalligelin karto, si taxadar leh uga fakar cidda aad saaxiib ka dhiganeyso, qofka aan wanaagsaneyn inaad u wanaagsanaato kuma khasbanid.

  1. Cidna ha isla barbardhigin

Naftaada ha dhibaateyn oo qof kale hala barbardhigin, isku day inaad hesho xasillooni gudaha ah, maxaayeelay cid kale lama mid tihid, qof kastaa waxa uu dadka kale kaga duwan yahay ayaa jira, isku day inaad naftaada u sameyso wadadaada gaarka ah.

  1. Naftaada saamax

Khaldaadka ay horey u gashay ka saamax oo ha soo xasuusin, laakiin wax ka baro, horey u soco illeen noloshu ma istaageyso.

  1. Qiimahaaga gaarka ah ilaasho

Waa iney kuu cad yihiin waxyaabaha hor-tabinta uleh noloshaadaada, cid kale ha ka ogolaan iney waddo goonni ah kuu jeexdo, naftaada u door saddex hadaf oo aad dooneyso inaad noloshaada ka xaqiijiso, sidii aad ku gaari lahaydna u dagaallan.

  1. Wax badan akhri
  2. Hagaaji xafiiskaaga

Haweenayda tifaftiraha ka ah wargeysa Business Insider ee la yiraahdo Erin Brodwin, waxay leedahay in isbedel aad ku sameyso qalabka xafiiska waxay kaalin wanaagsan ka ciyaartaa waxsoosaarka.

  1. Dadka kale xukun ha kula degdegin

Dadka kale xukun ha kula degdegin, cidina ma jecla in wax laga sheego oo maalintii oo dhan lagu mashquulo, qof kastaa waxa uu leeyahay dhaliilo, waxaana u habboon inuu naftiisa ku mashquulo.

Maandeeq FM  

 

 

Related Articles

Close