arrimaha bulshadaWararka

Engineer Moroccan ah oo Ku Guuleysatay Boqoradda Xijaabka Carabta ee 2018

 

Boqoradda Carbeed ee dumarka xijaaban “Miss Arab Veil” 2018 ayaa waxaa ku guuleystay haweenay Ingineer Moroccan ah oo la yiraahdo “Nisrine El Kettani“, xaflad ka dhacday March 3, 2018 Gudaha dalka Masar.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay 16 haween ah oo laga soo kala xulay waddamo kala duwan oo Carbeed.

Nisrine waxay hadda diyaarineysaa PhD takhasuska Engineering ah, wareysi ay siisay wargeyska “alyoum24” ee gudaha dalka Morocco ayaa waxay ku sheegtay in  taageerayaashayda dhanka Instagram-ka ay ku dhiirigeliyeen iney tartanka ka qeybgasho.

Tartankan ayaa waxa uu khuseeyay quruxda qofka ee muuqaalka iyo Aqoonta oo tixgelin gaar ah la siiyay, iyadoo sidoo kale la eegayay mashaariic ay dumarkani wadaan ee hal-abuurka leh dumarka kalena ay uga faa’ideeyaan.

Sifooyinka qofka laga doonayo waxaa ka mid ah inuu yahay qof xushmad badan oo xasilloon, dharka ay xiran tahay uu xiriir la leeyahay hiddaha iyo dhaqanka dalkeeda.

Maandeeq FM 

Related Articles

Close