WararkaWaxbarashada

Macallin Sabuuraddii uu Wax Ku Dhigayay u Bedelay Computer ay Ardaydu Wax Ku Bartaan!.. Microsoft oo Abaalmarisay

 

Macallinku waa Lafdhabarta aas-aasiga u ah waxbarashada, macallinka hal-abuurka leh waa fannaan sameeya waxyaabo soo jiidasho ah oo uu ku hanto quluubta ardaydiisa, si uu darsiga uga dhigo mid dhex gala dhuuxa ardayda si wanaagsanna ay u jeclaystaan.

Wax aan suurtaggal ahayn majiro, macallin u dhashay dalka Ghana ayaa soo hiniday waddo gaar ah oo computer-ka uu baro arday aan computer weligood arkin isla markaana mid wax lagu tusaaleeyaa aanuu iskoolka uu oollin, miyiga fog ee ay ku dhaqan yihiin dartee.

macallinka dadaalka badan ee “Owura Kwadwo Hottish“, ayaa qaadday tallaabo dadbadan soo jiidatay, waxa uu sabuuraddii uu ardayda wax ku barayay u bedelay computer, waxaanuu ardayda wax ku baraa hab aad u heersarreya oo iyagoon computer haysan ay si wanaagsan maadada u fahmaan.

Macallinkan ayaa sawirka sida uu ardayda wax u baro la wadaagay asxaabtiisa Facebook, waxaase isla markiiba aad ula dhacay oo ay soo jiidatay dadbadan oo baraha bulshada isticmaala, waxaanuu helay ammaan aad uballaaran, waana midda ka dhigtay arrinta ugu wanaagsan ee dadku ka hadal hayaan baraha bulshada.

“Macallin kastaa waxa uu leeyahay waddo gaar ah oo uu ardaydiisa wax ku baro, tani waa wadadayda, sidan waxaan u sameeyaa inaan ardaydayda fahamsiiyo waxa aan dhigayo,  ugu yaraan si aan muuqaal uga siiyo qalabka computer-ka ah ee ay baranayaan, waxaanana sidaa u sameeyaa si aan u xaqiijiyo fahamka maadada inta aaney ardaydu fasalka ka bixin.”, ayuu yiri macallin Owura.

Markii ay sheekadu gaartay shirkadda “Microsoft” ayaa waxay barteeda twitter-ka ku faafisay iney iskuulka macallinkani uu wax ka dhigo ay siin doonaan dhammaan qalabka ay u baahan yihiin, waana abaalmarinta ugu fiican ee uu macallinku heli karo.

Si kastaa, Dalka Ghana waxaa caan ka ah in ardayda la baro maadada ICT iyagoon wax computer ah aan haysan oo sabuuradda un logu barayo, waxaana qorshe waxbarasho oo dalkaa looga yaqaanno “Pulse Ghana”, iyadoon la hayn qalabkii ay ardaydu wax ku baran lahaayeen ayaa hadana waxaa la baraa maadada si aaney ardaydu u seegin waxbarashada casriga ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close