arrimaha bulshadaWararka

Marwada Koowaad ee Dal Yurub ah oo Labisata “Huudhay”!

 

Marwada koowaa ee Iceland “Eliza Reid” ayaa marqura soo jiidatay indhaha dadbadan, xilli ay ka qeybgashay xaflad lagu qeybinayay abaalmarinta Aflaam Iceland, waxay sheegtay halka ay kasoo iibsatay dharka ay ku labisan tahay.

Reid ayaa sawirkii ay xafladda kaga qeybgashay ku faafisay barteeda bulshada ee Facebook, waxaa lasoo weydiiyay su’aal halka ay kasoo iibsatay dharka ay xiran tahay, waxay ku jawaabtay iney kasoo iibsatay tukaaan hay’ad samafal ah raacsan “Icelandic Red Cross”, oo ku yaalla caasimadda “Reykjavik“, laguna iibiyo huudhayga iyo dharka horey loosoo isticmaalay.

Eliza Reid ayaa ku dhalatay dalka Canada, waxayna 4 caruur ah u leedahay madaxweynaha Iceland “Guðni Th. Jóhannesson”, shacabkuna aad ayay u jecelyihiin habka wanaagsan ee ay ugu adeegaan darteed.

Dhainaca kale, laanqayrta cas ee Iceland ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay hadalka kasoo yeeray marwada koowaad, waxay xisaabtooda “Twitter” ku yiraahdeen”Marwada koowaad aad ayay ugu qurux badan tahay dharka wanaagsan ee ay ka iibsatay laanqayrta cas.”

Maandeeq FM

Related Articles

Close