WararkaWaxbarashada

Maxay Dadka Qaar u Aaminsan Yihiin Aragtida Shirqoolka ee “Conspiracy Theory”?

 

Aragtiyada shirqoolka ee “Conspiracy Theory” dadka qaar kama dhimato, saameyntii wanaagsaneyd ee waalidka oo noloshooda ka maqneyd darteed, waa tan ka dhigaysa marka uu qofku waynaado in uu aamino, waa sida ay sheegeen khubaro dhanka cilmi-nafsiga ku takhasusay oo cilmibaaris ku sameeyay.

Daraasad cusub oo lasoo saaray ayaa sheegaysa in caruurta xaaladaha adag soo maraa, ay aad ugu badan yihiin walwalka, iney dadka kale dhexgalaanna ay ku adag tahay, waxay aragtidooda ku dhisan tahay go’aanno siyaasadeed oo dhalanteed ah, inta badan waxay aaminaan in shirqool si joogto ah loogu maleegayo.

Labo daraasadood oo ay sameeyay cilmibaarayaasha Ricky Green iyo Professor Karen Douglas oo ka tirsan kulliyadda jaamacadda Kent ee cilmi-nafsiga, ayaa ogaaday in dadka aad ugu dhagan ee inta badan aaminsan Conspiracy Theory ay noloshoodii hore ka maqnayd daryeelka wanaagsan ee waalidka.

Labadan cilmibaare ayaa daraasaddooda ku faafiyay wargeysa “Personality and Individual Differences“, isbedellada kala duwan ee lagu arkay dadkii daraasaddan ka qaybgalay ayaa lagu ogaaday in dhibaatooyinkii hore, kalsoonida iyo shakhsiyadda qofka ay kaalin ka ciyaarto aaminadda aragtida ku salaysan shirqoolka ee “Conspiracy Theory”.

Joseph Osinski oo ah qoraaga buugga “Aragtiyada shirqoolka Mareykanka” ayaa yiri: “Dadka waayay shay ku muhiim ahaa noloshooda waxay iska dhaadhiciyaan in shirqool lagu sameeyay dartii ay wax ku waayeen.”

Si kastaba, Aragtida shirqoolka ama “Conspiracy Theory” waa eray bixin tilmaameysa aragi ay dadka qaar iska dhaadhiciyaan asal xaqiiqo ah aan ku taagneyn, taas oo keenaysa in dhacdooyinka qaar ay u tiiriyaan dadka aan waxba ka ogeyn. Waa shaki joogta ah oo dadka qaar ku jira.

Maandeeq FM

Related Articles

Close