WararkaWaxbarashada

“MBC” oo Faahfaahisay Sababaha Ay Shaashadaha Uga Joojiyeen Musalsalaadka Turkiga ah

 

Shabakadda “MBC” ee  Sucuudiga laga leeyahay ayaa ku dhawaaqday iney gebi ahaanba joojisay baahinta musalsallada Turkiga ah ee laga baahin jiray janallada kala duwan ee shabakadda oo caan ka ah Bariga-dhexe iyo waqooyiga Afrika.

Sida ay qortay jariidada “Ajel.sa”, ee gudaha Boqortooyada kasoo baxday, afhayeen u hadlay MBC oo la yiraahdo “Mazen Hayek” ayaa yiri, go’aanka shabakadda waxa uu ku yimid kharashaadka baahinta xalqadda oo aad qaali u ah musalsalaadka Turkiga, kharashaadka aan ku bixinno xalqadda musalsalka Carbeed waxay u dhaxaysaa $40 kun illaa $100 kun oo dollar, halka xalqaddii qura ee musalsallada Turkiga ah ay ku kacayso 250 kun oo dollar.

Mazen waxa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankani uu dhiirrigelin u noqon doono musalsallaadka Carabeed iyo kuwa khaliijka oo maalgelin fiican heli doona.

Waxa uu tilmaamay in hadda fursaddu u furan tahay si loola tartamo musalsallada Turkiga ah, waxa uu sheegay in loo baahan yahay horumarinta musalsallada Carbeed si loo tayeeyo loona tartan geliyo.

Musalsallada Turkiga ah ee MBC laga baahiyo ayaa waxaa ku taxnaa dad farabadan oo Carbeed iyo Soomaali farabadan oo dunida daafaheeda ku kala nool.

Maandeeq FM

Related Articles

Close