arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xaalad Naadir Ku ah Dunida… Naas-nuug Laga Badbaadiyay Shay Layaab leh oo Gudaha Jirkeeda Ku Korayay

Dhakhaatiir qalliin Gujarat ayaa ku guuleystay iney badbaadiyaan nolosha gabadhyar oo 7 bilood jir ah, kadib markii ay kasoo saareen ilmo kale oo gudaha caloosheeda ku korayay!.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail“, aabaha dhalay canugtan yar ayaa arkay shay marba marka kasii dambeeya ku sii waynaanaya gudaha caloosha gabadhiisa yar, waxa uu geeyay isbitaalka oo qalliin loogu sameeyay.

Sababta ilmahan yar gudaheeda mid kale ugu korayay ayaa ah xaalad caafimaad oo naadir ah dunida oo dhanna lagu arkay 200 qof oo kaliya.

Fetus caloosha canugta yar laga soo saaray ayaa miisaankiisu gaarayay 0.113 Kg, waxaanuu ku jiray inta u dhaxaysa xiidmaha iyo Labada kalyood.

Dr Rakesh Joshi oo ah maamulaha qeybta qalliinka caruurta isbitaalka Gujarat, ayaa yiri: “Waxaan caloosheeda kasoo saarnay ilmo aan xubinihiisu dhameystirneyn, waxa uu lahaa lafdhabar caadi ah, maskax, madax, gacmo iyo lugo bilow ah.”

Waxa uu ka hadlay sababta canugta gudaheeda ilmo kale ugu korayay, waxa uu sheegay iney markii hore mataano ahaayeen: “Si dhamaystiran uma aaney kala soocmin Labada Mataano, sidaa darteed midkood ayaa koritaankiisu istaagay, waxaanuu qeyb ka noqday ilmihii kale ee sida nabadqabka ah ku dhashay.”

© Indiaphotagency/ SWNS.com

Maandeeq FM

Related Articles

Close