WararkaWaxbarashada

Dugsiga Naafada SOWOD ee Borama oo Xaaladdiisa Laga Dayrinayo

 

Dugsiga Naafada SOWOD ee Borama oo ay dhigtaan 300 oo caroor naafo ah oo dadkooduna ay yihiin danyar ayaa laga dayrinayaa xaaladda iskuulka oo culeyso kala duwani soo food saareen.

Sida ay warbaahinta u sheegtay maamulaha ururka SOWOD oo iskuulkan gacanta ku haysa, iskuulka xaaladdiisa dhaqaale waa mid aad u hoosaysa, maadama baahiyaha ardayda iyo tan iskuulka ka jirtaa ay tahay mid aad u baallaaran, waxaana hadalladeeda ka mid ah:

“Waxay ka kooban yihiin 300 oo ciyaal ah, dadkaa markii aan baadhnay intii waxbaran kareysay saddex fasal ayaan kasoo dhex saarnay oo aan iskuulka wax ku barnno, inta kalena waa dhulyaal oo halkooda ayaan ku tarnaa hadba wixii Illaahay ummaddooda uga keeno, gelinka dambena iskuulkan waxbaa lagu bartaa.”

Waxay hadalkeeda sii raacisay: “Waxaan culeyska badan ka sheeganeynaa dadka naafada ah, waa dad jilicsan, dadbaahiyo gaar ah qaba oo aad u dhibaataysan, dadkooduna ay yihii dad danyar ah. Macallimiinta dhigtaa 16 macallin ayay ka kooban yihiin ee u kala dhigta gelin-hore iyo gelin-dambe intaas oo macallinna waa la garan karaa, gurigan aan ku jirtaa $600 weeyaan bishii, laydhkii baa dheer biyihii baa dheer, intantii masaxaysay waashmaankii howlcusu weeyaan wax fudud maaha, kaliya waxaa naga caawisa oo ku kaliyaysatay marwada Labaad ee dalka oo kirada naga bixisa, wixii kale ee culays ahi halkaas ayuu yaallaa, waxaan codsaneynaa qof kasta oo u damqana mas’uul ah ama gacansde ah inuu dadkaa caawiyo”.

Halkan Hoose Ka Daawo: 

 Maandeeq FM

Related Articles

Close