arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ilma yar oo Xayiray Mobile-ka Hooyadii 48-sano!

 

Ilma yar oo Labo-sano jir ah ayaa mobile-ka hooyadii ka xiro 48-sano, kadib markii uu password khaldan dhowr jeer uu ku celceliyay mobile-ka.

Sida ay qortay jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, haweenaydan Shiineyska ah ayaa mobile-keeda oo iPhone ah uga tagtay gacanta gabankeeda yar si uu uga daawado muuqaallo dhanka barbaarinta ubadka ah oo mobile-ka ku jiray.

Hawaynaydan oo dagan Shanghai, bariga dalka Shiinaha ayaa aragtay in mobile-ka uu kaga xiran yahay quful inuu furmo la sugayo 25 milyan oo daqiiqadood, waa ku dhawaad 48-sano.

Mobile-ka iPhone-ka ayaa lagu yaqaannaa marka la geliyo password khaldan wakhtiga uu is furayaa wuu sii dheeraadaa marba marka ka dambeysa, lama garanayo inta jeer ee ilmahan yari isku dayay in uu mobile-ka furo.

Haweynayda oo la yiraahdo Mr Lu oo kaftameysa ayaa tiri: “Sida dhabta ah ma sugi karo 48-sano, si ilmaha aan ayayda u ahay ugu sheego khaladka uu aabahood galay.”

Haweenaydan ayaa waxaa u suurtaggal ah xilliga ay doonto iney mobile-ka  masaxdo waxwalba oo horey loogu kaydiyayna markaa way ka masaxmayaan, waxaa dib loogu soo celinayaa mobile-ka sidii ay shirkaddu ku soo saartay. haddii kale nus-qarni in ka badan ayay ku qaadaneysaa iney markale dib u hesho sawirradii iyo waxyaabihii kale ee mobile-ka lagu kaydiyay.

Maandeeq FM

Related Articles

Close