WararkaWaxbarashada

Liiska “Forbes” ee Dadka Ugu Taajirsan Adduunka 2018.. Madaxweyne Trump oo Kaalintii Liiska Hoos Uga Dhacay

 

Joornaalka caanka ah ee Forbes ayaa soo daabacay liiska dadka ugu taajirsan adduunka 2018 Talaadadii shaly, liiska waxaa kasoo dhex muuqaday maalqabeenno tiro badan oo u dhashay dalka Mareykanka tiradooduna ay gaareyso 585 oo qof, waxaa kaalinta Labaad soo galashay dalka Shiinaha oo liiska ku yeelatay  billionaire-rro tiradoodu gaareyso 373 qof.

Liiskan waxaa ka muuqda sidoo kale iney hoos udhacaday kaalinta  madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo liiskan sanadkii hore ka galay kaalin 566, halka sanadkan uu ku jiro 766, kadib markii hantidiisa ay iska dhintay 400 milyan oo dollar, iyadoo hantidiisa guud ay tahay $3.1 billion.

Liiska dadka ugu taajirsan waxaa kaalinta Koowaad ku jira maamulaha iyo milkiilaha shirkadda “Amazon” Jeff Bezos oo hantidiisu ay gaartay 112 billion oo dollar, halka uu kaalinta Labaad ku jiro milkiilaha shirkadda Microsoft Bill Gates oo hantidiisu ay tahay 90 billion oo dollar.

Liiska 10 nin ee Ugu Taajirsan Adduunka

Maandeeq FM

Related Articles

Close