arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

MBC Maxay Ku Waayaysaa Joojinta Baahinta Musalsallada Turkiga ah? Dhinca Turkiga se’ Khasaaruhu Waa Intee?

 

Shabakadda warbaahinta MBC ee caanka ah ayaa si lama filaan ah u joojisay March 5, 2018 baahinta musalsallada Turkiga ah ee laga daawan jiray shabakadda dadbadananina ay ku xirnaayeen, waxaa go’aanka ku jira in website-ka shabakadda laga saaro dhammaan kaydkii hore ee musalsallada kuwa cusubna baahintooda la joojiyo.

Tallaabooyinkaa ay shabakaddu qaadday khasaare baaxadleh ayaa kasoo gaaraya marka la eego xayaysiimaha xoogga leh ee ay ka heli jireen baahinta musalsalladka Turkiga ah oo dadku ay aad ugu xirnaayeen.

Khasaaraha MBC

  1. Khasaare Maaliyadeed

Khasaaraha koowaad ee shabakadda soo gaarayaa waa kan maaliyadda, waxaa lagu qiyaasayaa inuu gaarayo  50 milyan oo dollar kharashaadka ay MBC ku waayayso joojinta musalsallada, kharaashadka ayaa ka kooban kuwa ay shabakaddu si hordhac ah lacagahooda u shubtay, in la daawaado un sugayay iyo kuwo kale oo aan weli dhammaan dadbadanina ay ku taxnaayeen.

Kharashaadka musalka Turkiga ah halkiisii xalqad ku baxaysaa waa 250 Kun oo dollar, halka xalqadda musalsallada Carbeed aaney ka badneyn $100 oo dollar.

  1. Khasaare dhanka daawadayaasha ah

Khasaaruhu mid maaliyadeed oo qura kuma koobna, MBC waxay waayeysaa dad farabadan oo ku xirnaa musalsalaadka Turkiga ah aadna u xiisayn jiray. Musalsalka “Nuur” oo lasoo bandhigay 10 sanno ka hor waxaa ku xirnaa 25 milyan oo qof, halka musalsalka “Dirilis Ertugrul” ee la baahiyay 2017 ay ku xirnaayeen illaa 200 milyan oo qof.

  1. Shabakaddu waxay lumisay ganacsi ku koobnaa

MBC waxay ahayd Janalka ugu horreeya ee baahiya musalsallada Turkiga ah dhanka dalalka Carabta, Janallada kale waxay baahin jireen marka xalqadaha MBC ee isla musalsalkaasi uu sii dhamaanayo amaba uu dhammaado.

Dhinaca Turkiga

Suuqa Carabtu meelsare kagama jiro iibinta dibadda ah ee musalsallada Turkiga, Latin-America ayaa ah suuqa ugu baballaaran ee looga daawado, Turkiga Musalsalladooda waxaa loo iibgeeyaa 120 dowladood oo adduunka oo dhan ah, halka Carab ay ka tahay 17%, meelaha laga daawado.

Qiimaha waxsoosaarka musalsallada Turkiga ee 2015, waxa uu gaaray 300 Milyan oo dollar, halka dowladaha Carabta ay kasoo gashay $51 milyan oo dollar oo qura.

Maamulaha iibgeynta dibadda ee Musalsallada ee Janalka “Canal D” ee Turkiga ah Osselm Ossembel,  ayaa horey u sheegay in musalsallada lagu iibiyo Afrika iyo Asia tirada daawashadoodu gaartay 400 milyan oo daawasho.

Maandeeq FM

Related Articles

Close