WararkaWaxbarashada

Warqad uu Gacantiisa Ku Qoray “Albert Einstein” oo Lagu Iibiyay Lacag Ka Badan Boqol Kun oo Dolar

 

Warqad uu qoray caalimkii dhanka physics-ka ku caan baxay  ee Albert Einstein ayaa lagu iibiyay $103,000 Talaadadii, gorgortan ay diyaarisay shirkadda “Wynners House” ee xaraashyada oo ku iibisay gudaha magaalada barakaysan ee AlQudus.

Farriintan ayaa ahayd mid uu gacantiisa ku qoray caalimku uuna kaga hadlay ra’yigiisa aragtida Gravity Theory , waxa uu qoray 1928 isagoo Berlin jooga, waxaanuu u diray saaxiibkii oo isna ahaa caalim kale oo dhanka Cilmiga Xisaabta ku takhasusay. Warqaddan qofkii iibsaday magaciisa lama shaacin.

Waxaa kale oo goobta lagu kala iibsaday waxyaabo kale oo ay ku jireen sawirro iyo hadiyado xilligoodu  ahaa 1921 oo lagu iibsaday kumanaan dollar.

October 2017 ayay ahayd markii la kala iibsaday warqad uu Einstein lahaa oo ka hadlaysay aragtida sareedada nolosha, waxaa la kala siistay 1,56 milyan oo dollar, halka lacagtii markii hore lagu soo bandhigay uu ahaa Shan Kun iyo Siddeed Boqol oo Doolar.

Maandeeq FM

Related Articles

Close