CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Cudur Dilaa ah oo Si Degdeg ah Ugu Faafay Afrika.. W.H.O: Waa Halis Bani-aadamka oo Dhan Ku Waajahan

 

Xumadda Lassa Fever ayaa si degdeg ah ugu faafaysa dalka Nigeria, khubarada Caafimaadku waxay ku sheegeen faafitaankii “Ugu darnaa” ee cudurrada dilaaga ah,  waxaa illaa iyo hadda u dhintay 110 qof.

Sida ay sheegtay “Daily Mail”, Dadka Nigeria ku dhintay waxay gaareen 22% isbuuc gudahood dadkii uu cudurku haleelay, iyadoo mas’uul u hadlay caafimaadka Adduunka uu yiri; waa faafitaankii ugu xumaa ee cudur dilaa ah lagu arko, cudurkan ayaa loo yaqaanna “Xumadda Dhiigbaxa Fayruska”.

Fayruuskan ayaa weeraraya xubno badan oo jirka ah waxaanuu baabi’inayaa xidida dhiigga, waa cudur in la daweeyaa ay adag tahay.

Astaamaha qofka uu ku dhaco lagu garto waxaa ka mid ah, xumad, madax-xanuun, daal, matag, dhuun-xanuun, dhiig furan dhanka afka, sanka iyo xubinta taranka ee dumarka.

Xilliyada qaar dadka uu ku dhaco way dhago beelayaan si kumeel gaar ah, dumarka uurka leh ilmaha ayuu kasoo ridaa, waxaana faafiya jiirka iyo dheecaanka qofka uu haleelo.

Cudurkan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ka dillaacay galbeedka Afrika sida ay sheegayso W.H.O, waxaanuu ururku caddeeyay in cudurku yahay dhibaato ku soo foolleh adduunka.

Waxaa la tilmaamayaa in xumadda Lassa ay markii ugu horreysay laga helay dalka Nigeria iyo dowlado kale oo ku yaalla xeebta galbeed ee Afrika, sida; Liberia iyo Guinea oo kale.

Maandeeq FM

Related Articles

Close