WacyigelinWararkaWaxbarashada

Maxaan u Masayrnaa? Imisa Nooc Ayuu u Qeybsamaa?.. 4 Talo oo Masayrka Daawo U ah

 

Masayrku waa dareen khatar ah, waxa uu la-tagi karaa caqligaaga, waxa uu burburiyaa xiriirkaaga iyo qoyskaaga, marka uu sii fogaadana dhibaatooyin waaweyn ayuu dadka u horseedaa.

Masayrku  waa dareen dabiici ah oo aadanaha ku abuuran, mararka qaar kaalin badbaadin oo kale ayuu ciyaaraa!, sidaa darteed; waxaa muhiim ah inaan ogaanno sababaha keena iyo waddooyinka looga hortago.

Dr. Robert Leahy oo buug cusub ka qoray “Daweynta Masayrka” ayaa yiri; masayrku sida badan waxa uu la-xiriiraa qof saddexaad, oo muhiimad gaar ah siiya mid ka mid ah Lamaane si gaar ah isku jecel oo wada nool.

Dr. Robert Masayrka waxa uu u qeybiyay Labo-qeybood oo waaweyn: Masayr jinsi ah iyo mid caadifadeed oo uu qofku dareemayo in Lamaanihiisii uu qof kale u sii dhawaanayo.

Dr. Robert oo ku takhsusay cilmi-nafsiga ayaa aaminsan in raggu ay aad ugu badan yihiin masayrka dhanka jinsiga ah oo ay inta badan ka shakiyaan in lamaanahoodu gogol-dhaaf sameyso, halka ay dumarkuna ku badan yihiin masayrka dhanka caadifadda ah oo aaney u adkaysan karin lamaanahooda oo qof kale u sii dhawaanaya.

Masayrku waxa uu leeyahay marxalado kala duwan oo uu maro, waxaa loo qaybiyaa mid yar, mid dhexdhexaad ah. Waxa jira dadka qaar oo lamaanahooda ku doorta inuu yahay qof masayra, taasina waa arrin iska dabiici ah marka heerka dhex-dhexaadka ah laga eego dhanka masayrka.

Hadaba, haddii aad tahay ruux masayr badan raac tallaabooyinka si aad naftaaga uga yareyso culayskiisa:

1- Waxaa muhiim ah inaan ogaanno dhammaanteen in masayrku yahay dareen dabiici ah oo qof kasta ku abuuran, wax khalad ahna kuma jiro inuu qofku masayro.

2- Ka fogow dhaqanka xakameynta ah, jooji su’aalaha tiradada badan ee joogtada ah, markaad howlaahaa dhex maquurato waxaad ogaataa in nacaybka iyo masayrku uu sii kordhayo.

3- La sheekayso lamaanahaaga una sheeg waxaad dareemayso, qodobbo aad ku wada dhaqantaan sameysta, si xiriirku waddo wanaagsan ugu dhaco.

4- Waa inaan aqbalno in markasta sida aan wax u rabno aaney u soconeyn, mararka qaar marka aad dareento masayr joogto ah, waa farriin ka dhigan in xiriirkaasi aanuu ahayn mid miro-dhal ah.

Maandeeq FM

Related Articles

Close