WararkaWaxbarashada

Caalimkii Helay Furaha Hal-xiraalaha “Human genome” oo Geeriyooday

 

Sir John Sulston oo ahaa caalimkii daahrogay “Human genome” ee markii lasoo gaabiyo loo yaqaanno DNA ayaa geeriyooday iyadoo da’diisu ay sii dhaafayso 75 jir.

Xarunta cilmibaarista “genome-ka” ee Sanger Center oo uu horey u maamuli jiray, ayaa Jimicihii ku dhawaaqaday in uu caalimku geeriyooday.

Caalimkan ayaa ka qalin-jabiyay jaamacadda Cambridge sanadkii 1963, waxaanuu cilmibaaristiisa PhD ku diyaariyay jaamacadda California, markaa kadib waxa uu ku biiray kooxda Brenner Group oo ka howlgaleysay shaybaarka Jaamacadda Cambridge ee cilmiga Biology-ga il-maqabatiga, waana halkii uu ka daahrogay “DNA”.

1990 ayuu faafiyay khariidada genes-ka  ee gooryaanka nooca cylindrical worm-ka ah uu leeyahay.

Sanadkii 1992, ayaa waxaa loo magacaabay inuu madax ka noqdo xarunta cilmibaarsta  Sanger oo uu ka dhex aas-aasay gudaha jaamacadda Cambridge, si uu kaalin uga qaato mashruuca genome-ka caalamiga ah ee aadanaha.

Sanadkii 2002 ayuu qaatay abaalmarinta Nobel Prize-ka caafimaadka, waxaanuu ku mutaysay shaqadii wanaagsaneyd ee uu ka qabtay in wax badan laga ogaado sida genes-ku u habeyso hor-u-marka xubnha iyo sida ay unugyada jirku u dhintaan.

Maandeeq FM

Related Articles

Close