arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Caruurtaadu Iyagoo Baraha Bushada Ku Jira Ma Iska Dhaaftaa.. Ogow Iney Khatar Badan Waajahayaan.. Dowlad Yurub ah oo Caruurta Ka Mamnuucday Facebook & YouTube

 

Xukuumadda Sweden ayaa ku dhawaaqaday iney gacanta ku hayso qaanuun cusub oo dhaqan galaya bisha May ee soo aaddan, qaanuunkan ayaa caruurta ka yar da’da 16-jirka looga mamnuucayaa iney isticmaalaan Baraha Bulshada.

Go’aankan ayaa imaanaya kadib markii go’aanno cusub uu kasoo baxay Midowga Yurub oo u gaar ah ilaalinta macluumaadka internetka, qodobadan cusub ayaa sheegay in da’da qaanuunka ah ee isticmaalka Baraha Bulshada looga dhigayo 16-sano wadamo badan oo Yurub ah, laakiin waxaa la filayaa in Ingiriiska da’daasi noqoto 13-sano jir oo qura.

Sababaha ugu muhiimsan ee Baraha Bulshada loo xadidayo ayaa ah in caruurta laga ilaaliyo khatarta Internet-ka ah ee ay wataan xayaysiimaha aan anshaxa lahayn ee sida filiqsan loogu faafiyo barta.

Turkiga oo wadada Sweden ku socda

Wasiirka qoyska iyo arrimaha bulshada Turkiga  Sama Ramazan Oğlu  ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay waddo qorshe ku aaddan in caruurta laga xanibo Baraha Bulshada, iyadoo da’da qaanuunka ah noqoneyso 12 illaa 16-sano.

Dhibaatooyinka Internet-ka

Iney caruurtu fahmaan waxyaabaha lagu faafinayo Baraha Bulshada aad ayay u adag tahay, gaar ahaan marka aan ognahay in baraha intooda badan lagu faafiyo waxyaabo aan caqligooda la-jaanqaadeyn noloshoodana u wanaagsaneyn, waxaana uga imaan karta khatar caqli ah iyo mid dhanka jirka ah oo naftooda soo waajahda.

Isticmaalka caruurta ee Baraha Bulshada

Daraasad laga sameeyay dalka Ingiriiska ayaa sheegaysay in 59% caruurta ay adeegsadaan Baraha Bulshada inta aaney gaari ka hor da’da 10-jir ah.

Halka daraasad kale oo laga sameeyay xarunta cilmbaariska Pew ee dalka Mareykanka lagu ogaaday in 89% caruurta kurayda ah ee da’doodu u dhaxayso 13-17 jirka ay adeegsadaan Baraha Bulshada 71% in ka badan dadka kale ee xisaabaadka Baraha Bulshada uga furan yihiin Internet-ka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close