WararkaWaxbarashada

Macallin Feer Ku Boobsiiyay Hooyo Ka Cabaneysay Xadgudub Loo Geystay Gabar Ay Dhashay!

 

Website-ka “arabesque.tn” ee gudaha Tunisia kasoo baxa ayaa faafiyay muuqaal uu ku tilmaamay mid “Murugo leh”, waxaa ka dhex muuqanayay hooyo uu macallin dhibaato u geystay, kadib markii ay is tiri ka dacwoo gabar ay dhashay oo dhibaato loo geystay.

Dhibaatada ayaa ka dhacday iskuul hoose oo ku yaalla magaalada “Bourguiba” ee gudaha Tunisia, iyadoo aan la sheegin taariikhda uu dhibku dhacday.

Haweenaydan ayaa sheegtay iney macallinka dhibaato kala kulantay, waxayna ay tiri: “Iskuulka ayaan aaday si caadi ah, si aan wax uga waydiiyo macallinka sababihii uu ku garaacay gabadhadayda.”

“Laakiin cabashadaydii waxay isku bedeshay xadgudub, waxa uu isha iiga garaacay feer.”

Sida uu arabesque sheegayo hooyadan ayaa dacwad u gudbisay booliska, iyadoo dhanka kale la sugayo sida ay dhacdadan uga falceliso Wasaaradda Waxbarasahada Tunisia.

Maandeeq FM 

 

 

Related Articles

Close