JaamacadahaWararkaWaxbarashada

10-Jaamacadood ee Ugu Wanaagsan Adduunka Barashada Cilmiga Dhaqaalaha

 

Shirkadda Ingiriiska ah ee Qiimeynta waxbarashada sameysa ee la yiraahdo “QS” ayaa soo saartay qiimaynteedii sanad laha ahayd ee jamaacadaha ugu wanaagsan Adduunka.

Qiimeynta “QS” ayaa si gaar ah loo eegaa sumcadda Jaamacadda ee macallimiinta wax ka dhiga, shaqaalaheeda iyo tirada cilmibaarista ay jaamacaddu faafiso.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 10 jaamacadood ee ugu wanaagsan ee Dhaqaalaha lagu barto:

  1. Mac’hadka Massachusetts ee Teknoolajiyadda

Mac’hadkan waxa uu qiimeynta ka helay 100 dhibcood laba Kulliyadood, halka dhibcaha guud ee uu mac’hadku haystaa dhammaan Kulliyadaha kala duwan ay tahay 98.2 dhibcood.

Waxaa xiriir la leh dhaqaalyahannada adduunka ugu caansan oo wax ka dhiga ama ka soo baxay.

  1. Jaamacadda Harvard 

Waa jaamacadda adduunka ugu wanaagsan qiimeynta sanadka ee “QS”, laakiin kulliyadda dhaalaha waxa uu kaga jirtaa kaalinta Labaad.

  1. Jaamacadda Stanford
  2. Jaamacadda California, Berkeley
  3. Kulliyadda London ee dhaqaalaha iyo culuumta siyaasadda.
  4. Jaamacadda Princeton
  5. Jaamcadda Chicago
  6. Jaamacadda Oxford
  7. Jaamacadda Yale 
  8. Jaamacadda Columbia

Maandeeq FM

Related Articles

Close