WararkaWaxbarashada

Daahrog cusub: Dareeraha oo Lagu kala Saarayo Laser

 

Khubaro dhanka Sayniska ah ayaa soo hindisay farsamo cusub oo dareeraha lagu kala saari karo iyadoo la adeegsanayo laser. Waxaa la-filayaaa in daahroggan cusubi uu kaalin ka qaato horumar badan oo dhanka Sayniska laga gaaro.

Daahroggan cusub ayaa loo adeegsan karaa in lagu soo saaro computer, mobile, nalal korantada oo aad raqiisan u ah, kana jaban kuwa hadda suuqa yaalla.

Professor Klaas Wynne oo ka tirsan Jaamacadda Glasgow, ahna qofkii soo hindisay daahroggan cusub ayaa yiri: “Howsha waxay shabahdaa sida shaah iyo caano isku jira oo loo adeegsanayo Laser  si caanaha gaar loogu saaro, arrintu waxay u muuqata mid maangal ah, laakiin wax kastaa waxey u dhacayaan si waafaqsan qawaaniinta Physics-ka.

Warqadda cilmibaarista uu saameeyay ayaa Professor-ku ku faafiyay magaca kala saarka xaaladda iyadoo la adeegsanayo laser, waxaana lagu faafiyay joornaalka Nature of Chemistry, waxaana maalgeliyay golaha cilmibaarista ee Scientific iyo Engineering-ka.

Maandeeq FM

Related Articles

Close