arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Saacad “Rolex” Ah oo uu Leeyahay Xaakimka Dubai oo La Xaraashayo.. Waa Kan Qiimaha Lagu Iibinayo!

 

Daarta xaraashada Christie’s, xafiiska gobolka bariga-dhexe, India iyo Afrika ayaa ku dhaawaqaay iney xaraashi doonaan saacad naadir ah oo Nooca Rolex GMT ah oo si gaar ah loogu sameeyay Sheikh Mohammed bin Rashid Aal Maktoum, xaakimka Dubai.

Sida ay qortay shabakadda “CNN”, qiimaha saacaddan lagu soo bandhigayo ayaa waxa uu u dhaxeeyaa 120 illaa 160 kun oo dollar.

Saacaddan ayaa laga sameeyay bir ajaay ah oo aad u adag isla markaana aan mirirayn, waxay leedahay laba goorsheegto oo isku meel ah, waxaa kale oo ay sheegaysaa taariikhda.

Saacaddan ayaa la iibinayaa Maarso 23, 2018, bishan aan ku jirno, waxaana la socda daasad lagu xardhay calanka Imaaraatka.

GOOGLE

Maandeeq FM

Related Articles

Close