arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shaqadii Xamaaliga Gaari-dameerka oo Muqdisho Gabaabsi Ku Sii ah.. Xagee Looga Guuray?

 

Magaalada Muqdisho waxaa kusii yaraanaya shaqadii Gaari-dameerrada  oo nolosha dadka ku xamaasha kaalin muhiim ah kaga jiray.

xaafadaha magaalada ayaa intooda badan biyaha looga dhaamin jiray Gaari-dameeerka, taas oo dadka ku shaqeysta ay reerahooda ka biilan jireen balse taasi hadda meesha ayey ka baxday.

Horumar laga sameeyay helitanka biyaha caasimadda owgeed, kaalin muhiim ah oo xataa gaarsiisan in ay reeraha ku guuraan ayey soo mareen Gaari-dameerada xilligii dagaallada ay Muqdisho ka socdeen.

Cabdi Sheikh Abuukar ku dhowaad toban-sano ayuu ku shaqeynayaa Gaari-dameerka ayaa ka waramay caqabadaha soo wajahay shaqadii ay qaban jireen Gaari-dameerada waxa uuna yiri.

“Dameeraha ayaan ku shaqeystaa, marba sida uu qutul-yoonkeenna uu Ilaahey nooga soo sahlo ayaa ugu shaqeysannaa, waxaan ku shaqeynayey shaqada Gaari-dameerka muddo dhan Lix sano “.

Waddooyinka Muqdisho si joogta ah ayey u xirmaan gaadiidleyda cabasho ayey muujiyaan waxaa is weydiin mudan wadada maka xirantaa Gaari-dameerrada? su’aashaas waxaa ka jawaabay Maxamed Nuur Axmed oo ka mid ah wadayaasha Gaadiidka Dameerka ee ka howlgala magaalada Muqdisho waxa uu yiri:“Dhibaatada ugu badan oo aaan qabno waa waddo xirista, dhibaatooyin kale ma qabno“.

Dadka muruq-maalka ah ee ka xeeya gaadiidka Gaari-dameerada badankood waxa ay leeyihiin reero, waxa ayna shaqeeyaan iyaga oo aan heysan tix-gelin shaqo iyo mid bulshaba.

Dadku maxay ku bedesheen Gari-dameerka

Dadka ku shaqeysta Gaari-dameerada waxaa heysata caqabado shaqo, oo ay ka midyihiin iyaga oo markii hore xaafadaha biyo geyn jiray, ayaa waxaa hadda la geliyey guryiha intooda badan Tubbooyinka biyaha, waxaa sidoo kale ay ka shaqeyn jireen bakhaarrada, waxaana bedelay shaqadoodii gaadiidka loo yaqaanno Bajaajta iyo gawaadhi kale oo loogu talagalay xamaaliga yaryar in lagu qaado.

Si kastaba, Dameerka ayaa horumar kasta oo la gaaro aan laga maarmeyn, waxa uu ka mid yahay gaadiidka xilli dheer aadanuhu soo isticmaalayeen, nolosha casiriga ahna aan looga maarmaan, waxa hadda aad loo isticmaal dunida caanihiisa oo dawooyinka isqurxinta dumarka qaar laga sameeyo, halka la ogaaday inuu ku habboon yahay falashada beeraha yaryar ee khudaarta lagu beero, Dalka Fransiiska ayaana laga hirgeliyay iskuulkii ugu horreeyay ee dowladdu leedahay ee waxbarashada dameerka u gaarka ah, dadku waxay uga yimaaddaan gobollada kala duwan ee dalka Faransiiska si ay u bartaan habka ugu habboon ee beeraha yaryar loogu fasho.

Xigasho: Goobjoog News

Maandeeq FM

Related Articles

Close