arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Yaxaas Kusoo Duulay Magaalo Ku Taalla Australia Kadib Markii Ay Daadad Go’doomiyeen

 

Dadka dagan magaalada  “Queensland” ee dalka Australia ayaa Waajahaya khatarta Yaxaas oo ku soo weeraray xaafadahooda, kadib markii daadad ay ku soo rogmadeen magaalada.

Sawirro ay dadka magaalada ku faafiyeen Baraha-bulshada ayaa dadkii ay u tallaabayeen dhanka magaalada Ingham ee Waqooyi-bari Australia, kadib markii ay magaalada uu ka da’ay roobab farabadan oo 4 maalmood socday kuwaas oo keenay iney webiyadu fatahaan, beerihii ay biyuhu ka sare maraan, deegganno farabadanna ay go’doomaan.

Toby Millyard oo ah cilmibaare ka tirsan beerta xayawaanka Queensland, ayaa tiri, waxaan ognahay in xamaaratadan ay adeegsato biyaha fatahaadaha marka ay deegaan ka guurayaan oo meel kale u guurayaan, raashinna ay raadsanayaan.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Qaar ka mid ah Yaxaaska… waxay adeegsadaan biyaha fatahaadaha si ay u safraan, waa xayawaan aad u caqli badan.”

Afhayeen u hadlay adeegga ambalasta ee Queensland ayaa sheegay: “Waxaa la badbaadiyay koox arday ah iyo macallimiin ay biyuhu hareereeyeen subixii Axadda, meel lagu nasto oo ku taalla koonfurta deegaanka Tully.”

Annastacia Palaszczuk oo ah ra’iisul-wasaaraha Queensland ayaa tiri in la qiimeeyo heerka khasaaruhu gaarsiisan yahay waxaan u baahannahay dhowr isbuuc, gaar ahaan marka aan eegno dhibaatooyinka soo gaaray beeraha mooska iyo qasabka sonkorta.

Maandeeq FM

Related Articles

Close